Sign in to follow this  
Kamaavi

Dagaal markale ka qaraxay aaga Kismaayo...

Recommended Posts

Kamaavi   

Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buunada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo.

 

 

Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo saaka ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame.

 

 

Dagaalkan ayaa qarxey kadib markii heshiis beenaad ah lagu gaadhey Xamar oo u dhaxeeya labada urur iyagoo dhanka kalena dagaalku sii socdo. Ciidamada Xisbul Islaam ayaa gacanta ku dhigey masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab

 

 

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay dagaalkan bilawga ah iyo meesha xaal ku dambeyn doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buundada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo.

 

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xisbul Islaam ay gacanta ku dhigeyn masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab

 

Wararka naga soo gaadhaya gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay iyo maanta laga waayey wax askar ah oo ka tirsan ciidamadii Alshabaab ee maamulka magaalada Kismaayo iyadoo aan la garanaynin meesha ay aadeen ciidamadii Alshabaab.

 

Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame.

 

Dhanka kale ciidankii Gacmo-dheere ee Raaskaamboni ee jiray magaalada Muqdisho ayaa ku soo wajahan magaalada Kismaayo, lana filayo inay saacado dhaw soo gaaraan halkaa, taasoo sababtay inay kooxda Al-shabaab qax billowdo..

 

Jubbada.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Jacaylbaro:

I wonder who is that "Sarkaal Sare" ,,,,,

Sida uu sheegay sarkaal sare( :D ) oo ka tirsan Xizbul islaam ,,, maxaabiista iyo sarkaakiisha Alshabaab dagaalka looga qabtay ayaan saxaafada loo ogolayn in ay hesho magacyadooda rasmiga ah sababo amaan darteed ,,, saas u fahan dee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Warar hada aan ka helay ila kala duwan ayaa xaqiijiyay in Dagaal Xoogan oo ah kii abid oogu waynaa uu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada ka Amar Qaata Sargaalka Xisbul Islaam Axmed Islaan Axmed Madoobe, Dagaalkan ayaa Wakhtigan hada ah socda

 

Dagaalkan ayaa la sheegay in Ciidamada Xarakada Alshabab oo xataa ay waheliyaan Dumarkoodii ay weerar aad u xoogan ku qaadaan midan oo ay sheegeen inay tahay kama Danbaystii Dagaalka Jubooyinka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay ka soo baxayaan Kismaayo meel ay u socdaan aan la aqoon balse aan ilaa hada la xaqiijin, meesha oogu danbaysa ee uu dagaalkan gaari karo.

 

Wali ma heeyno wax faahfaahin ah inaba ha yaraatee, laakiin sidii aan horey usoo tabiney wariyeyaasheena gobolka ku sugan ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay faarujiyeen dhamana ciidamadii Al-Shabaab, iyagoo xittaa qaatay dhaawacyadii Isbitaalka Kismaayo yiiley, kuwaasoo warar aan helney ay sheegayaan in la geeyey magaalada Jamaame.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Ducaysane:

Kismaayo dadkii waa waashay. Jafe101 armuu dharka dhigtaa.
:D

Adeer ma hadal qaadkeeda ayaa ku dhibaya mise waxaanan ogayn ayaad ogtahay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this