Sign in to follow this  
Jumatatu

The Mogadishu Agreement..!

Recommended Posts

Jumatatu   

SUGIDDA NABDGALYADDA IYO DIB U HABAYNTA CAASIMADDA DALKA

 

Sugidda Nabadgalyada, Maamul u sameynta, Xal u helidda iyo soocelinta awaamiirta iyo kala danbeynta ee caasimadda dalka ee Muqdisho, waa arrin aad u culus oo marar badan aad la isugu dayey, laguna guul dareystay, sababaha hoos ku qoran awgood:

Wada tashii la’aan: Horay uma dhicin guud ahaan inta ay arintaan quseyso in ay go’aan mideysan ka gaaraan, markastaba dhinac ama shaqsi ayaa ka maqnaa.

Aragti iyo fikrad siyaasadeed oo lagu mideysnaa oo la xiriirtay maamul u sameynta caasimadda dalka oo aan horay u jirin.

 

v Ayadoo dhinacyadii xamar isku heystay ay aamin sanaayeen dhinici xamar ku guuleysta inuu isla markaa noqonaayo hogaamiyaha qaranka. Sidaa daraadeed caasimadii u noqotay rahan.

 

v Jiritaan la’aan maamul qaran: maadaama 14-kii sano ee la soo dhaafay uu maqnaa maamul qaran oo lagu mideysan yahay, ma jirin cid awood u laheyd magacaabista maamulka gobolka Banaadir.

 

v Danta gaarka ah oo mar walba laga horeysiin jiray danta guud ahaaneed.

 

v Waxaa jiray faragalin dowlada shisheeye oo ka soo horjeeday daganaanshaha iyo maamul u sameynta caasimadda.

 

v Isku tanaasulid la’aan xal u helidda caasimadda.

 

Hadaba arrimaha kor ku xusan waxa ay horseedeen in jiritaanka umadda soomaaliyeed uu maanta Qatar ku sugan yahay loona baahan yahay in si deg deg ah loo nabadeeyo caasimadda maamulna loo sameeyo hubkana laga xareeyo isla markaana dib loogu soo celiyo u hogaansanaanta sharciga iyo kala danbeynta. Sidaa awgeed, iyadoo la tixgalinaayo natiijadii shir weynihii nabadeynta Soomaaliyeed oo ay dowladdu ka dhalatay lagana amba qaadaayo heshiiskii lagu gaaray hotelka Jakaranda 26 Janaayo 2005, ayaa waxaa si deg deg ah loogu dhaqaaqayaa wax ka qabashadda arimaha caasimadda, ugu horeyntana waxaa wada tashi lala sameenayaa inta ay quseyso arrinta haku sugnaadaan Nairobi ama meel kaleba.

 

 

TILAABOOYINKA HOWLGALKA:

 

 

1. waxaa si ku meel gaar ah loo dhisayaa guddiga hogaaminta arrimaha caasimadda ee ka kooban labada gole ee dowladda, isaga oo isku qeybinaya seddex guddi. Waxa uuna jirayaa inta laga dhisaayo maamulka lagana sugaayo amaanka Gobola Banaadir. Mudadisuna waa sagaashan casho, (90 maamuud) oo ka bilaabaneysa maalinta shaqadda la bilaabo waana la kordhin karaa hadii loo baahdo wuxuuna u qeybsamayaa seddex guddi oo kala ah:

 

a) Guddiga nabad gelyadda iyo uruurinta maleeshiyooyinka iyo hubka.

 

b) Guddiga dhaqaalaha iyo taakuleynta

 

c) Guddiga abaabulka iyo wacyigalinta arimaha Bulshadda.

 

Guddi kasta waxa uu yeelanayaa guddi hoosaadyo la shaqeenaya seddexda guddi, oo gacan ka siinaya howsha ay u xil saran yihiin .

 

wasaarad kasta oo dowladda katirsan Waxaa gacan lagu siinayaa shaqadeeda ku aadan gobolka Banaadir.

 

 

2. Waxaa la dhisaayaa maamulka gobolka Banaadir iyadoo la magacaabaayo guddoomiyaha gobolka, duqa magaaladda iyo inta maamul ee kale ee la xariirta, inta laga dhisaayo maamulkaas waxaa si kumeelgaar ah howsha u sii wadaya maamulka hadda wada, waxaana lagu saleenayaa axdiga iyo shuruucda Dalka.

 

 

3. waxaa loo baahan yahay magacaabidda:

 

 

A. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed

 

B. Dhismaha hogaamada Booliiska Soomaaliyeed

 

C. Taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir

 

D. Taliyeyaasha qeybaha gobolka Banaadir

 

E. Talisyada lixda dugsi ee tababarka maleeshiyada.

 

Magacaabista sare ku xusan waxaa lala kashandoonaa cidda awooda u leh waxaana lagu saleenayaa axdiga iyo shuruucda Dalka.

 

 

4. waxaa la sameenayaa lix dugsi tababar maleeshiyo oo kala ah

 

a) dugsiga tababarka maleeshiyada ee geedtimir (gubadley)

 

b) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee hiilweyne

 

c) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee dugsi shanaad (Dayniile)

 

d) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee dhanaane

 

e) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee lafoole

 

f) Dugsiga tababarka maleeshiyada ee carbiska

 

 

Haddii loo baahdo xeryo dheeri ah waa lagu kordhinayaa

 

5. Dugsi kasta oo tababar inta aan lagu xareyn maleeshiyada waxaa lageynayaa 100 askari oo booliskii hore ah oo iskugu jira: talis, tababarayaal iyo kuwa u xil saran keydinta iyo qabashadda hubka maleeshiyada iyo amaanka dugsiga

 

6. Tirada guud ee maleeshiyada la xareenaayo waa 15kun waxaana laga xareeynayaa magaala madaxda dalka ee muqdisho (Xamar)

 

7. Tirada guud ee ciidamada boolisska ee saldhigyada gobolka Banaadir waa 700boqol oo askari (14x50=700)

 

 

Ø Dugsiga tababarka maleeshiyada 600 oo askari

 

Ø Talisyada ilaalinta xarumaha dowladda iyo goobaha ilaha dhaqaalaha 400 oo askari

 

Ø Ciidanka ilaalada xabsiyada 300 oo askari

 

 

Wadarta Guud ee booliskii hore iyo asluubta waa 2000 (laba kun) oo askari.

 

 

8. Maleeshiyada tababarada loo furaayo waxa ay ka soo xeroonayaan:

 

· Hogaamiyeyaasha,

 

· Maxkamadaha

 

· Ganacsatada

 

· Siyaasiyiin iyo ciddii kale ee hubeysan.

 

 

9. waxaa la diyaarinayaa foom ay soo buuxinayaan kooxaha sare ku xusan ee soo xareynaya maleeshiyada, waxaana ku cad foomkaas:

 

 

ü Tiradda guud ee maleeshiyada uu hayo

 

ü Tirada maleeshiyo ee uu soo xaeynaayo

 

ü Tirada nuucyada hubka kala duwan ee uu hayo

 

ü Iyo tirada iyo nuucyada hubka e uu la soo xareeyey maleeshiyada

 

 

10. Marka maleeshiyada iyo hubkeeda la soo xareeyo, waxaa keydinta iyo amaanka hubka gudoomaya ciidamada booliiska ee horay loo geeyey dugsiga tababarka.

 

11. Waxaa la magacaabayaa guddi khubura ah ee isugu jira soomaali iyo ajanabi oo waajibkiisuna yahay qiimeynta hubka nuucyadiisa kala duwan si dowladdu u iibsato ulana wareegto. Gudigaas waxa ay la shaqeynayaan wasaaradda ku shaqada leh.

 

12. Waxaa la abaabulayaa lana howl galinyaa si kumeel gaar ah maamuladda 16-ka degmo e gobolka Banaadir si ay nabad gelyadda iyo wacyi galinta guud ahaaneed uga qeyb qaataan.

 

13. Waxaa laga soo xulayaa 16-ka dugsi tababar, ciidan ka kooban 684 askari oo ku hubeysan 42-gaari oo tiknika ah oo 12 ka mid ah ay tahay gawaarida nuucyada waaweyn, 30 ka mid ahna ay tahay nuucyada yar yar. Ciidankaan waxaa loo tababarayaa si gaar ah waana ciidanka gurmadka. Waxayna u xilsaran yihiin amniga iyo sugidda nabad gelyadda caasimadda, waxaa ayna si toos ah u wada shaqeynayaan ciidamadda booliiska ee saldhigyada. haddii loo baahdo ciidan kale iyo hub kale oo dhaaraad ah waa lagu kordhin karaa.

 

14. Waxaa la dhisayaa maxkamadaha degmooyinka iyo midda gobolka waxaana la howlgalinayaa xabsiga dhexe.

 

15. Dayactirka 6-da dugsi ee tababar, qarashka maamul iyo miisaaniyadda ciidanka waxaa loo raacayaa sidii golaha wasiirada ay horay ay ugu gudbiyeen hay’adaha caalamiga ah.

 

16. Waxaan diyaar u nahay haddaan nahay labada gole ee dowladda in aan si deg deg ah ugu noqono caasimadda una xareyno maleeshiyada, waxana ka codsaneynaa beesha caalamka in ay gacan naga siiso dhaqaalihii horay looga codasaday, la’aantiisna ay suurta galeynin fulinta howlahaas.

 

17. Waxaa la dhisyaa maamulada dekedda iyo garoonka diyaaradaha si markii amaanka la sugu deg deg ay ugu howlagalaan.

 

18. waxaa la sugayaa lana hubinayaa amaanka caasimadda iyadoo la soo celinaayo sharciga iyo kala dambeynta.

 

19. waxaa markaa lafurayaa dekedda muqdisho iyo gegidda diyaaradaha caalamiga ah.

 

20. waxaa loo howlgalayaa daraasadda iyo wax ka qabashadda adeegyadda bulshadda sida nadaafadda guud, Biyaha, Korontada, Isbitaaladda, Dugsiyada Waxbarashada IWM.

 

21. Waxaan ku talineynaa in howlaha kor ku xusan dhammaan gobolada dalka si isku mar ah looga wada fuliyo si aysan ugu muuqan hub-ka-dhigistu arrin ku wajahan dad gaar ah iyo degaamo gaar ah.

 

22. waxaan oggol nahay in hubkii la uruuriyey lana xareeyey lagu wareejiyo keydintiisa, haddii loo baahdo, ciidamadda shisheeye, marka ay yimaadaan dalka, oo aysan ka mid aheyn wadamada xuduuda la leh soomaaliya bad iyo bariba. Waxaana xusid mudan, hubkii lagu wareejiyey ciidamada shisheeye in aysan burburin karin, iibin karin, isticmaali karin, cid gaar ahna ayan siin karin, waxayse ku wareejinayaan gacanta dowladda soomaaliyeed.

 

23. Waxaanaan marnaba aqbali doonin in ay dalkeena yimaadaan ciidamada wadama Soomaaliya xuduuda la leh bad iyo bariba.

 

24. waxaanan ogolaaneynin in Baarlamaanka la keeno dood ku saabsan ciidamadda dowladaha xuduudka leh soomaaliya bad iyo bariba in ay dalka yimaadaan, iyadoo arrintaas horay looga heshiiyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee socday mudada labada sono aheyd ee lagu dhisay dowladda federaalka kmg soomaaliyeed.

 

25. Waxaan caddeyneynaa in aysan dhib ku ahayn dowladda, dib ugu noqoshada magaalo madaxda dalka kana howlgali karto, Iyadoo la adkeenayo amaanka iyo nabad galyada

 

26. Waxaa xushmad iyo qadarin mudan dhamaan Siyasiyiinta, Bulshada Rayadka, Ganacsatada, Maxkamadaha, Culumaa’udiinka, Dhaqanka, Haweenka, iyo Dhalinyaradda, oo isku diyaariyey sidii ay u fulin lahaayeen howlaha nabad galyada iyo maamul u sameynta gobolka banaadir iyo xareynta maleeshiyooyinka.

 

27. Waxaan si gaar ah codsi ugu jeedineynaa dhammaan Warbaahinta Madaxa Banana, Wargeysyadda, Web-Site-Yada, Fanaaniinta, Abwaaniinta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan soocelinta nabadeynta ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan magaalo madaxda Dalka.

 

28. Waxaan u mahad celineynaa dhammaan cid kasta oo ka geysatay gacan dib u hehiisiinta iyo xal u helidda dhibaatooyinkii daba dheeraaday ee umadda soomaaliyeed sida:, Dowladda Kenya iyo shacabkeeda, Dowladaha IGAD, EU, AU, Jaamacada Carabta, UN, USA.

 

29. Ugu danbeyn annaga oo ku kalsoon gacan ka helidda dowladda iyo shacabka Soomaliyeed iyo Beesha caalamka, ayaan halkaan waxaan ku balan qaadeynaa fulinta iyo meel marinta howlaha kor ku xusan

 

 

1.. Hussein Mohamed Farah Aidid ___________

 

2. Mohamed Qanyare Afrah ___________

 

3. . Muse Sudi Yalahow ___________

 

4Osman Hassan Ali (Ato) ___________

 

5. . Omar Moh’ud Moh’ed (finish) ___________

 

6. . Mohamed Hussein Addo ___________

 

7. . Botan Isse Alin ___________

 

8. AbdiKarim Ahmed Ali ___________

 

. Omar Hashi Adan ___________

 

10.. Mohamud Salad Noor ___________

 

11.. Salah Ali farah ___________

 

12Yususf Mire Moh’ud (Serar) ___________

 

13. Mohamed Jama Furuh ___________

 

14 Abdi Ahmed Dhuhulow ___________

 

.15. Osman Mohamud Mohamed ___________

 

16. Ali-Bashi omar Rooraaye ___________

 

17. Ahmed Diriye Mohamed ___________

 

18.. Hassan Dhimbil Warsame ___________

 

19. Ing. Nur Wabar Abdi ___________

 

.20. Ibrahim Sheikh Ali Mohed ___________

 

23..Abdi Bulle Hussein ___________

 

.21. Abdiazis Ibrahim Osman ___________

 

22..Abdifatah Ahmed Mumin ___________

 

23.Abdulkadir Nur Arale ___________

 

24. Abdullahi Moalim (Fah) ___________

 

25. . Ahmed duale Gelle (Haaf) ___________

 

26. . Ahmed Omar Gagale ___________

 

27. n. Ali Alas Qareey ___________

 

28.. Ali Shire Osman ___________

 

29. Hon. Asha Haji Ilmi ___________

30. Hon. Bashir Mohamed Aden ___________

 

31. Farahan Ali Mohamud ___________

 

32. Hirsi Adan Rooble ___________

 

33. Hussein Abdi (Wade) ___________

 

34. . Hussien Arale Adan ___________

 

35. Ibrahim Habeeb Noor ___________

 

36.. Isse Weheliye Malin ___________

 

37. Mariam Arif Qassim ___________

 

42. Mohamed Hassan (qoono) ___________

 

38. . Mohamed Hussein Rage ___________

 

39. Moh’ed Abdirahman (Nadiif) ___________

 

40. . Mohamed Sh. Jama Nageye ___________

 

41. Omar Adan (Omar dhere) ___________

 

42. . Mohamed Sheikh (Gabiyow) ____________

 

43. Moh’ed Sh **** (Abadir) ___________

 

44. . Muse Nur Amin ___________

 

45. . Muse Ali Omar ___________

 

46. . Mustafe Sh. Ali Duhulow ___________

 

47. . Nur Ahmed Dirshe ___________

 

48Omar Ugas Mumin ___________

 

49.. Yusuf Gelle Ugaas ___________

 

 

beesha2.gif

beesha.gif

beehsa1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Did I not predict a while ago that the Ethiopian soldiers issue would be uniting a lot of people whether it's negative/positive concerning the transitional government?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Good for them. They have waited long enough and denied their families/friends/dependents the chance of living in a permanent peace. They are in the best position to come out of this dignified if they make their promises true. I think the best thing about their efforts if it bears fruit is to have an edge over the dispute of troops. When you are screwed up and devided, nobody takes you serious. But when you have the proof of your independence and humanity, others will have no reason to meddle with your life. May they succeed this time so "us" who are stuck in these depressing lifestyles can go home and make our contributions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

We won't really need a peace keeping force if Mogadisho can establish legitimate security in the city. This agreement was driven by a fear of losing the merits of warlordism once good government is installed and every little messy is cleared up. The biggest fear for these warlords is to live to a functioning government. Hence, their words have no accountability.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope they mean what they say. These menhave a track record of making allaince just to be antagonistic, and not actually deliver any of their promises.

Share this post


Link to post
Share on other sites

These guys are reactionaries but their agreement if just 1/4 of it implemented then they will become true leaders and win the arguement. There are some clauses that may create some potentail conflicts such as these ones.

 

23. Waxaanaan marnaba aqbali doonin in ay dalkeena yimaadaan ciidamada wadama Soomaaliya xuduuda la leh bad iyo bariba.

knowing that pro ethiopean mps are majority in the parliament.

24.
waxaanan ogolaaneynin in Baarlamaanka la keeno dood ku saabsan ciidamadda dowladaha xuduudka leh soomaaliya bad iyo bariba in ay dalka yimaadaan,
iyadoo arrintaas horay looga heshiiyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee socday mudada labada sono aheyd ee lagu dhisay dowladda federaalka kmg soomaaliyeed.

Will this be seen by other groups black mail to the parliament? Will they quit the parliament and the government if parliament start debating the issue?

 

Will they ever have a chance to prove to the world and somalis whether their agreement is going to stick or not?

 

Next few days things will become more clearer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Before we see the showdown over that issue, I hope these men follow up their promises with implementation and set the course to a much brighter future for those concerned. Then they should stick to their guns by rejecting front-line states. Surely, if the opposition of the front-line states have the support of the locals, and they are legally in the government, they will win. The government will be forced to negotiate. They(these opposition groups) need to prove they are men of their words and can do what they said they will in their last handshake.

 

 

Reactionary or fear, whatever the motivations, sublime are their proposals and the steps they said they will take to give their communities the much needed security. And nothing makes or equates rejecting front-line state troops antagonism. If the supporters of such measures can prove the need to include Ethiopian troops in the deployment, there will be no argument. If they can't prove the need, and they will hold the onward march of the process hostage for the inclusion of their beloved sponsor, I am sure they will be solely responsible for the dissolution of parliament and government altogether. Letting Ethiopia be the maker or the breaker of our future will be an unforgivable crime. Let those supporters in the parliament, the president, the prime minister bear the sole responsibility of any negative outcome over the dispute of the front-line states.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi:Warsaxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ee ugu jira beesha ****** oo lagu beeninayo qoraalkii shalay ay soo saareen.........

- Sunday, March 13, 2005 at 11:49

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hilton Hotel ee magaalada Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda oo ugu jira beesha ****** taasoo ay kaga soo horjeedaan warsaxaafadeed ay shalay xubno kale oo isla beesha ka tirsan oo ka mid ah golaha xukuumadda iyo baarlamaanku ka soo saareen magaalada Nairobi.

 

Warsaxaafadeedkaan oo ay qabteen xubno ay ka mid ahaayeen:

 

-Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble[

 

-Wasiirka Horumarinta reer miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheere

 

-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle

 

-Wasiir ku xigeenka Tamarta Maxamed Shiikh *****

 

-Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afrax

 

-Xildhibaan Cabdullaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale ayaa u qornaa sidaan:

 

WARSAXAAFADEED:

 

Annagoo ah Wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kuna saxiixan warsaxaafadeedkaan ,tixraacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo bishu ahayd 12 March, 05 kaasoo ay sii daayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada ,iyagoo sheeganaya magaca beesha ****** .

 

Xildhibaanadaas oo ku doodaya inay wakiil ka yihiin Beesha ****** ,Warxaxaafadeedkoodaas oo ay ku sheegeen inay ku diidan yihiin go'aankii Golaha Wasiirada ee sida aqlabiyada ah lagu ogolaaday ,iyagoo qaarkoodna ay ka mid ahaayeen Golihii Wasiirada ee go'aankaas meel mariyey ,go'aankaas oo ilaa hadda horyaala baarlamaanka si looga doodo ,go'aan kama danbays ahna looga gaaro ,kaasoo dawladdu ku wareejisey Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Sidaasi daraadeed annagoo ka jawaabayna warsaxaafadeedkaas waxaan soo jeedinaynaa qodobada hoos ku qoran:

 

1-Waxaa nasiib darro ah in muddo 2 sano iyo bar ah ka dib markii la dhisay dawlad Soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magac qabiil ay si bareer ah ugu xadgudbeen Axdiga Qaranka ee KMG ah.

 

2- Waxaa hubaal ah inaysan ka tarjumaynin rabitaanka beesha ay sheeganayaan.

 

3- Waxaan is waafaqi karin iyagoo ka qaybqaatay meel marintii go'aankii golaha Wasiirada inay hadana ka hordhacaan go'aankii golaha baarlamaanka,iskuna dayaan inay afduubaan go'aanka baarlamaanka Soomaaliyeed iyagoo qoraalkooda ku sheegay inuusan baarlamaanku ka hadli karin go'aana ka gaari karin qodobada horyaalla ,taasoo la yaab ku noqotay ummadda Soomaaliyeed ,kana hor imaanaysa Axdiga Qaranka.

 

4- Xubnahaas waxaa isaga khaldan kala duwanaanta xilligii dawlad la'aanta,fawdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub ee ay jirto Dawlad Federaal ah oo beesha caalamkuna aqoonsan tahay.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan ugu baaqaynaa qodobada hoos ku qoran:

 

1-Bulshada Soomaaliyeed waa inay garab istaagaan barnaamijyada dawladooda iska dhegatiraan hadalada keeni kara iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

 

2-Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa sii wadida taageeradooda hagar la'aaneed.

 

3-Xubnihii saxiixay baaqii 12 March,05 waxaan xasuusinaynaa uguna baaqaynaa inay dhawraan una hoggaansamaan Axdiga KMG ah oo ay marar badan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ku dhaarteen.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

 

March,13,05

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Boorsamindo aan naloo dhigooyaa, I don't see anything worth mentioning in these so called talks. It is only good when hear it but nothing real happens on the ground.

 

Honetly, all I wait is in laga xaaqo meesha these barbaric thugz.

 

War bal dad maatidooda iyo dadkooda ugu sokeyay ku cayaarayay baa maanta gacmaha is qabsanaaya and for what, do think for a good reason? I hope so, but I doubt. AFter all the time they had, They should be ashamed of themselves inay sacadan gacmaha is qabsadaan.... caqli laawayaal

 

One nation, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Horn,

Did I not predict a while ago that the Ethiopian soldiers issue would be uniting a lot of people whether it's negative/positive concerning the transitional government?

I wish sxb, but you are dreaming bro, I have no idea of anything and I mean it when I say anything by nothing that Somalis Unite.

 

OOH Sowie, Qabiil, I forgot that but hey remember this one doen't unite Somalis but certain group of poeple. Is just sad we don't have what unites us.

 

As you clearly see this decleration is signed by not all but one group(and by the way who are not altogether with this). Sad isn't it, other groups should have joined, we should have had one Somali voice, not the and that, which I doubt if we will in the near future. And I also doubt if such thing will bring any touchable outcome

 

Sad Sad Sad thats all I can say

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bayaan Ka Dhan ah Kii Ay Soo Saareen Hogaamiyaasha Beelaha ****** Oo..

 

12 ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada beelaha ****** ugu jira labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiirrada ayaa bayaan ay ku naqdinayaan qodobbadii wakiillada ****** maanta ka soo saaray magaalada Nairobi. Bayaanka ayaa u qornaa sidan:

 

Annagoo ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada beelaha ****** ugu jira dowladda kmg ah ee Somalia , kuna saxiixay war saxaafadeedkan tix raacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo ay bishu ahayd 12 march , 2005 kaas oo ay sii daayeen qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada iyagoo sheeganaaya magaca beesha ****** , ayna ku diidanaayeen go'aankii golaha wasiirrada sida

aqlabiyadda ah loogu oggolaaday, iyagoo qaarkoodna ka mid ahaa golihii wasiirrada ee go'aankaasi meel mariyay kaasi oo walina horyaalla golaha baarlamaanka, sidaasi daraaddeed innagoo ka jawaabayna war saxaafadeedkaasi, waxaan soo jeedinaynaa qodobbada hoos ku qoran:

 

1. waxaa nasiib darro ah labo sano iyo bar ka dib markii la dhisay dowlad soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magaca qabiil ay si bareer ah ugu xad gudbaan axdiga qaranka kmg ah.

2. waxaa hubaal ah in aysan ka turjumaynin magaca beesha ay sheeganayaan.

 

3. waxaan is waafaqi Karin iyagoo ka qayb qaatay meel marinta go'aankii golahla wasiirrada in ay haddana ka hor dhacaan go'aanka golaha baarlamaanka iskuna dayaan in ay afduubaan go'aanka baarlamaanka soomaaliyeed, iyagoo qoraalkooda ku sheegay in aanu baarlamaanku ka doodi karin go'aanna ka gaari karin qodobbada hor yaalla, taas oo la yaab ku noqotay ummadda soomaaliyeed

kana hor imaanaysa axdiga qaranka.

 

4. xubnahaasi, waxaa isaga khaldan kala duwanaansha xilligii dowlad la'aanta fowdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub oo ay jirto dowlad federal ah oo beesha caalamkuna aqoonsantahay.

 

Ugu dambayntii waxaanu ku baaqaynaa ayay yiraahdeen qodobbada hoos ku qoran:

 

• bushada soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan barnaamijyada dowladda iskana jiraan hadallada keeni kara iska horkeenka bulshada soomaaliyeed ee walaalaha ah.

 

• Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay sii wadaan taageeridda hagar la'aaneed ee ay dowladda siinayso.

 

• Xubnihii saxiixay baaqii 12 kii March waxaan ugu baaqaynaa isla markaana xusuusinaynaa in ay dhowraan axdiga kmg ah, oo ay marar badan beesha caalamka iyo bulshada horteeda ku dhaarteen.

 

Xubnaha war saxaafadeedkan ku saxiixan waxaa ka mid ah:

 

C/laah Cosoble Siyaad

Axmed xasan Ibraahim

Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacmo dheere"

Maxamed Deeq ***** "Abaadir"

C/laahi Geedi Shadoor

Prof: C/laahi Axmed Afrax

Salaad Cali Jeelle

Hilowle Iimaan Cumar

 

Xildhibaannada iyo wasiirrada aan baaqan saxiixin waxaa ka mid ah

 

Ibraahim Cali Jeebbo

Cali Cusmaan Jayte

Iyo Ibraahim Xirsi waarre oo dalka dibaddiisa ku maqan.

 

Farqi wayn ayaa u dhexeeya baaqa maanta iyo kii shalay iyadoo kii shalay in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta beelaha kale ee baarlamaanka iyo golaha wasiirradu ay goobjoog ka ahaayeen,halka shir saxaafadeedkani halkii uu ka dhacayay ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanno aad u tiro yar oo ka kala socday beelaha kale .

 

Liibaan Cabdi Cali

Hayaan_8@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Duke yesterday you were first to compliment with this note :

Important step if they will hold to the agreement. They should be commended for their aim of restoring security to the capital.

And today you are excited by the statement issued by the yes-men of Yeey. It was expected sxb that these men will conter act under the orders of Yeey. But what is important is the leaders yesterday who iisued the declaration should not be thwarted by bunch of 'dabakadhilifs' led by Gacmadhere from their primary aim. And Duke in contrary to the plans of Yeey and your hope there will be no skirmish amid the USC supporters simply on the basis to protect this TFG or not to protect.

 

 

Qorshel:

Honetly, all I wait is in laga xaaqo meesha these barbaric thugz.

Somalida aya horey waxay uu tiiri 'habar fadhida lagden la fududa'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this