Sign in to follow this  
QabiilDiid

Dayniile.com's best article, ever

Recommended Posts

Good news. May Allah (SWT) show us the right path.......

 

 

Nuxurka Natiijada Kulanadii Soomaaliyeed Ee ka Dhacay Dalka Sacuudi Araabiya

 

Waxaa dalka sacuudiga si isdaba joog ah u imaanaayay bisha xajka ka hor iyo gudaheedaba wufuud ka kala socota DFKM iyo Isbahaysiga Dib u Xorreynta soomaaliya ee lagu aasaasay magaalada Asmara ee dalka Eriterya.

 

Waxaa wufuudaas Kulano xasaasi ah la yeeshay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka sacuudiga gaar ahaan magaalooyinka Riyaadh , Jeddah iyo Makkah.

 

Ajandayaasha ay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka sacuudiga hor dhigtay , kagalana qayb gashay kulannada ay lahaayeen mas`uuliyiinta wufuuda DFKM ah iyo Isbahaysiga Dib u Xorreynta soomaaliya ayaa ahaa sidatan :-

 

La Kulamka DFKM:

 

1- Joojinta howlgallada ciidamadeed ee keenaya dagaallada iyo barakaca.

 

2-Wax u qabashada dadka guryahooda ka barakacay.

 

3-Joojinta hadallada abuuraya kala sii fogaanshaha ummadda soomaaliyeed ee kala fikirka ah.

 

4- Bixitaanka ciidamada dalka Itoobiya.

 

5- Qabashada kulan dib – u – heshiisiin ee soo afjara colaadda raagtay iyo kala duwanaanshaha aragtiyadeed ee ummadda soomaaliyeed.

 

6- Badellaadda qodobada axdi qaranka ee loo arko in ay wax u dhibayaan diinta, dhaqanka iyo dalka.

 

La Kulamka Isbahaysiga Dib u Xorreynta Soomaaliya:

 

1- Joojinta falalka amnidarro ee keenaya dagaallada iyo barakaca.

 

2-Wax u qabashada dadka guryahooda ka barakacay.

 

3- Bixitaanka ciidamada dalka Itoobiya.

 

4- Qabashada kulan dib – u – heshiisiin ee soo afjara colaadda raagtay iyo kala duwanaanshaha aragtiyadeed ee ummadda soomaaliyeed.

 

5- Joojinta hadallada abuuraya kala sii fogaanshaha ummadda soomaaliyeed eek ala fikirka ah.

 

6- Nooca dowladeed ee dalka loo rabo.

 

Nuxurka natiijooyinka ka soo baxay kullamadaasi ayaa u muuqda kuwo himilo iyo rajo wanaagsan u ifinaya ummadda soomaaliyeed meel walbo ay dunida ka joogaan. Taas oo aragtiyadii kala duwanaa ee labada dhinac ee aasaaska u ah samatabixinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka soomaaliya aad moodaa in ay isu soo dhawaadeen.

 

Natiijooyinka kulamadaasi ka soo baxay ayaa ahaa sidatan :-

 

Natiijada la kulanka DFKM:

 

a- In ay aad uga fogaanayaan wixii keenaya isku dhac sababa dagaallo iyo barakac.

 

b- Waxaan hay`adaha caalamiga ku dhiiri gelinaynaa in ay si degdeg ah ugu gurmadaan gargaarna ula gaaraan dadka guryahooda ka barakacay.

 

c- In mas`uuliyiinta iyo howlwadeenada DFKM ku wargelinayaan joojinta haddallada abuuraya xasaasiyadda iyo kala fogaanshaha ummadda soomaaliyeed.

 

d- In bixitaanka ciidamada dalka Itoobiya si nabdoon loola kaashado beesha caalamka.

 

e- In la qabto kulan looga gudbo colaadaha iyo isjiid jiidka kala duwanaanshada aragtiyadeed una dhaxeeya DFKM ah iyo Mucaaradka si loo helo qaran mideysan.

 

f- In ay soo dhaweynayaan wax allaale iyo wixii qalad sixid ah ee ku jira axdi qaranka qoddobadiisa.

 

Natiijada la kulanka Isbaheysiga dib u Xorreynta soomaaliya:

 

a- In ay aad uga fogaanayaan falalka keeni kara dagaallo sababa barakac.

 

b-Waxaan soomaalida iyo beesha caalamka ugu baaqeynaa in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka guryahooda ka barakacay.

 

c- In ciidamada dalka Itoobiya si toos ah ama si dadbanba uga baxaan dalka soomaaliya.

 

d- In la qabto kulan u dhaxeeya DFKM iyo Isbaheysiga dib u Xorreynta soomaaliya si loogu heshiiyo aayaha dalka soomaaliya.

 

e- In dhammaan howlwadeenada Isbaheysiga ku borineyna in laga fogaado haddallada keenaya xasaasiyadda iyo kala foganshaha ummadda soomaaliyeed.

 

f- In soomaaliya ay yeelato dowlad doorasha cad ku timaada, lehna heshiis lakala qorto iyo dimoqoraadiyad midda diinta islaamku qabo ku qotonta oo ah ( mid aan xaaraantimeyneynin wixii allaha weyn xallaaleeyay, xallaaleyneyninna wixii allaha weyn xaaraantinimeeyay). Isla markaana la jaanqadi karta caalamka.

 

Haddaba waxaa jaaliyadda kullanadaas horseed uga ahaa aqoonyahannada oo aasaas uga dhigay waxa ka dhacay soomaaliya :

 

1- Caro allah kaga timid ummadda soomaaliyeed

 

2- Qof walba oo soomaali ah oo ra`yigiisu ama( fikradiisu ) la qunnaaday.

 

Sidaas awgeed, haddii wufuudaasi labada dhinac ahaa aysan been sheegeynin ballan furyana aysan sameynaynin waxaa aqoonyahannada soomaaliyeed ee dalka sacuudiga ugu baaqaayaan wallaalahooda kale ee aqoonyahannada soomaaliyeed ah ee dalkeena guddihiisa iyo dunida inteeda kale ku kala sugan in ay u heelanaadaan farsameeynta isu soo dhawaanshaha aragtiyada aan sidaas u sii kala duruqsaneyn si ummadda soomaaliyeed inta hartay loo badbaadiyo.

 

Wa billaahi towfiiq

 

Dr Cabdullaahi macallim maxamuud xayle Makkah Al- mukarramah

 

Email: taarish_dheere@hotmail.com

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

dayniilecom@hotmail.com

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this