Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking News: SL Parliament Rejected The Two Members of the Electoral Committee

Recommended Posts

War Deg- Deg ah,Golaha Wakiilada JSL oo mar kale cod aqlabiyad ah ku diiday labadii xubnood ee Komishinka

 

 

Hargeysa(Qaran)-Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland aya mar labaad cod aqlabiyad ah ku diiday ansixinta labadii xubnood ee ka dhinaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ee aqalkaasi hore u diiday 2-june ee la soo dhaafay.

 

 

Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee uu hore u codsaday Madexweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka ka furmay Golaha Wakiilada, ka dib markii gudidii Xalinta Khilaafaadka Golayaasha Qaranka ee madaxa banaanaa ay todobaadkii hore go’aamiyeen in mar labaad Golaha Wakiilada la hor geeyo Muuse Axmed Cumar ]Muuse Madoobe] iyo Maxamed Cabdi Xaamud [Nine].

 

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) waxa fadhiyay 70 Mudane, waxa kale oo goob joog ka ahaa Gudidii Xal u helida khilaafaadka golayaasha, Wasiirka Warshadaha Mudane Maxamed Saleeban, iyo Wasiirku xigeenada wasaaradaha Kalumaysiga iyo Cadaalada, iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale.

 

Maxamed Cabdi Xaamuud (Nine) oo ugu horayn Goluhu u codeeyay ayaa waxa ogolaaday 38 mudane, 21 ayaa diiday, 9 Mudane ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna muu codayn, halka Muuse Axmed Cumar (Muuse Madoobe) ay ogolaadeen 39 mudane, 18 diideen, 12 ka aamuseen, Gudoomiyuhuna aanu codayn, iyadoo labadan xubnood laga doonayay in ay golaha ka helaan 41cod.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi[C/Raxmaan Cirro]ayaa fadhigaas ka saaray Ibraahim Caraale Cabdi,oo ahaa Murashaxii kaydka koowaad u ahaa Xildhibaanada Xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag,kaas oo bedelaya Maxamed Cumar Jaamac [Jabaabul] oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Waxana uu Gudoomiyuhu sheegay in aanu Mudanayaasha aanu dhex fadhiisan Karin ilaa Maxkamada Sare ee Somaliland u dhaarinayso Xubinimada Golaha.

 

Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Ahna Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Mudane Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo saxaafadu wax ka waydiisay fadhigaa ka dib waxa Golahooda oo soo xulay labada xubnood ee la diiday ay ka yeelayaan, waxaana uu yidhi “ waxaan u arkaa Go’aanka golaha wakiilada mid Sax ah oo sharci ah waayo waxay ahayd un in fursad labaad la siiyo labadaa xubnood waana la siiyay”.

 

Sh Axmed Sh.Nuux Furre waxa isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Waxa aanu ka yeelayno Gole Guurti ahaan labadan xubnood ee la diiday waanu ka tashanaynaa”.

Dhinaca kale Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] oo ka tirsan Gudigii dhexdhexaadinta Khilaafaadka golayaasha Qaranka oo Warbaahintu wax ka weydiisay markii Fadhigaas laga soo baxay ayaa waxa uu yidhi “Ma jiro wax ay Go’aankii Gudida u dhimayso codeynta labada Xubnood ee maanta Golahu diiday,waxana muuqata in xubnahaasi ay waayeen kalsoonidii Golaha Wakiilada Somaliland”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

No Idea of what this is all about...

 

Dr Gaboose Ma lasoo daayay, mase wali waa xiranyahay? Waqti miyuu dhamaysanayaa maxay kula tahay, xagee xaalka marayaa bal itaabsii warkaas ayaa headlines qabsaday ayaantaanee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by zamatar:

JB malaga yaabaa in arintani Riyaale ka cadheysiiso, isla markaana uu go'aamadii kale fulin waayo?

Taas baa laga baqanayaa ,,, still lama hubo laakiin waxa laga baqanayaa inuu isaguna talaabooyin kele ku dhaqaaqo. Laakiin guddidii weli may seexan hawshana way wadaan.

 

 

Emperor, Let's not talk about secessionists niyow ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this