Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland navy arrest 5 pirates.

Recommended Posts

Xukuummada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Shan Nin Oo Budhcad Badeed Reer Puntland Ah Iyo Hawlgalada Ciidamada Xeebaha.

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2008-12-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo Budhcad Badeed ah iyo Laash hubeysan oo ay wateen, ka dib markii iska horyimaadeen,isla markaana dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada xeebaha Somaliland deegaanka Shalcow oo 28 km Galbeed ka xigta Xeebta Xiis ee Gobolka Sanaag oo halkaasi lagu qabtay.

 

Sida uu noo xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo aanu Khadka tilifoonka kula xidhiidhnay, Shantan ee Budhcad badeeda ee la qabtay ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

 

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Booliska Somaliland waxay maalmihii u danbeeyey hawlgalo ka wadeen Xeebaha Gobolka Sanaag,hawlgaladaas waxaanu ugu talagalnay sidii aanu Budhcad Badeeda uga hortagi lahayn inaanay u soo gudbin Badda Somaliland”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo ka hadlayey.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo ka hadlayey tirada Budhcad Badeeda reer Puntland ee la qabtay iyo halka ay ka soo jeedan waxa uu yidhi “Shanta nin ee Budhcad Badeeda ee la qabtay iyo Laashkii ay wateenba waxa la xaqiijiyey inay dhamaantoodba ka yimaadeen Puntland oo sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doona Maxkamad.”

 

Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] waxa uu ku dooday inay qabashada Budhcad Badeeda ay qeyb laxaad leh ka qaateen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo kaashanaya Ciidamada Booliska iyo dadka ku dhaqan Deegaanka Shalcow ee Gobolka Sanaag,

 

Isaga oo Wasiirku intaasi raaciyey in ka hor intii aan la qaban raggan Budhcad Badeeda ay la dagaalameen Ciidanka Somaliland ee deegaanadaas hawlgalada ka waday, balse waa laga xoog roonaaday, ayuu yidhi Wasiirku.

 

Si kastaba ha ahaatee, Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] kumuu sheegiin Wareysigiisan wax khasaare ah oo halgalkani Sababay.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo caalamku diirada saaray sidii looga hortagi lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa Budhcad Badeeda Soomaalida ee afduubka ugu heysata Maraakiibta Xeebaha Soomaaliya.

 

Waxa laba maalmood ka hor lagu soo gebagabeeyey Magaalo Madaxda Dalka Kenya ee Nairobi Shirweyne Caalami ah oo lagaga hortagayo Sidii wax looga qaban lahaa.

 

Mustafe-Janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: Janaale94@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ammaanka JSL oo Gacanta ku Dhigay Shan Nin oo Budhcad badeeda

 

"Waxa lagu Qabtay Deegaanka Shalcow iyagoo watay Laash uu saaran yahay Hub" Hargeysa(Qarannews)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Col. Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen shan nin oo ka mid ah budhcad badeeda qawlaysatada ah ee ka shaqaysta Afduubka Maraakiibta maraysa biyaha Gacanka Cadmeed.

Taliyuhu waxa uu sheegay in raggan oo saarnaa laash ay bishan 10-keedii kula soo caariday xeebta deegaanka Shalcow oo ka tirsan gobolka Sanaag. Ciidamada ilaalada xeebaha oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ee ku sugan jiida hore ee gobolka Sanaag oo iskuweer ka hayay budhcadan ayaa taliyuhu sheegay inay isku dayeen inay fakadaan iyagoo u cararay dhinaca buuralayda deegaanka Shalcow iskuna dayay inay dagaal ka hor keenaan ciidamada, hase yeeshee ay ciidamada oo kaashanaya dadka deegaanka ay rasaas ooda kaga qaadeen ilaa gabal-dhacii shalay.

 

Taliyaha oo u waramay Radio Hargeysa maanta ayaa intaa ku daray in budhcadan oo dhalasho ahaan ka soo jeedaa deegaanka Bariga wadanka Somaliya ee Puntland ay wateen laash uu saarnaa hub, ilsa markaana ay gobolka Sanaag ka soo galeen dhinaca xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu intaa ku daray in isla markii ay ka war heleen in budhacad-badeedu soo gashay Somaliland ay ku wargeliyeen dadweynaha jiidaas buuralayda ah inay soo sheegaan raggan qawlaysatada ah iyo cid kasta oo ay uga shakiyaan inay gacan-qabasho ka helaan.

 

Col. Maxamed Saqadhi Dubbad, taliyaha Ciidanka booliska Somaliland waxa uu u mahad naqay bulshada gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Maydh iyo Shalcow oo uu sheegay inay Ciidanka gacan ka siiyeen intii ay ku gudo jireen hawlgalkaa soo qabashda budhcada, waxana uu tilmaamay in dadkaasi iyagu gacanta ku dhigeen laba kamid ah budhacada halka Ciidanka Somaliland-na seddexda kale qabteen aroornimadii hore ee Saaka.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo isna ka hadlay raggan budhacad ah ee la soo qabtay ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo hor geyn doono, maxakamadna la soo hor joojin doono.

 

Wasiirku waxa uu ugu baaqay dadka reer Somaliland ee gobolka Sanaag inay fiiro gaar ah ku hayaan, ciidamada ammaankana la soo socodsiiyaan cid kasta oo ay uga shakiyaan inay khalkhal iyo qas ku abuuri karaan xasiloonida dalka, khaasatan waxa uu ku adkeeyay dadka deegaannadaas inay ciidamada ilaalada xeebaha gacan ka siiyaan xaqiijinta nabadgelyada, si looga hortago inay soo galaan wadanka budhcada ku mamtay lacagta xaaraanta ah ee ay ka helaan afduubka maraakiibta marta biyaha geeska Africa.

 

Qabashada Budhcadan ayaa ku soo beegantay wakhti ay indhaha Caalamku soo jeedaan halista ay budhcad-badeedu ku hayaan nabadgelyada dunida gaar ahaan amniga Maraakiibta maraya biyaha gacanka, iyagoo maalmo ka hor uun uu dhamaaday shir caalami ah oo lagaga hadlay sidii wada jir wax looga qaban lahaa afduubka ay budhcad-badeedu kula kacayso budhcada ee ay ku dalbanayaan dhaqaale badan, shirkaas oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu casuumay lagu casuumay, iyadoo loo tixgalinayo inay tahay qaranka kaliya ee ka dhisan wadankii la isku odhan jiray Somalia waxna ka qaban kara la dagaalanka budhcad-badeeda halista ku haysa amniga gobolka.

 

Shirkaas oo lagu qabtay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya Somaliland-na uu uga qayb galay wafti uu hor kacayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Axmed Siciid Aaden (Axmed -Keyse), weftigaas oo ay ka mid ahaayeen taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland Md. Cismaan Jibriil iyo taliye ku xigeenka Madaxa amniga iyo Sirdoonka Qaranka Md. Cismaan Maxamed Samatar (Liimo).

 

Weftiga Somaliland uga qayb galay shirka ayaa looga mahad naqay mawqifka cad ee ay iska taagteen la dagaalanka Budhcad badeeda iyo fasaxa ay u siisay cid kasta oo la dagaalamaysaba, weftiga oo wax laga weydiiyay sababta ay Somaliland uga jiri waayeen budhcadu, waxay sheegeen in Somaliland iyo dadkeebu gees uga soo wada jeesteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this