Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Dhaqtar dhalashadiisu Ruush tahay oo lagu dhaawacay Muqdisho

Recommended Posts

Muqdisho Nabad matahay?

 

Let dayniile.com answer that Question

 

Dhaqtar u dhashay dalka Raashiya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sadam ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, xarun ku taalla agaagarka Ex.koontarool Balcad, kadib markii uu muran dhex maray sida la sheegay dabley ilaalo u ahayd, isagoo loo diyaarinayay inuu ka howlgalo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana dableyda dhaawacday ay ahaayeen kuwii sugayey ammaankiisa.

 

Dhaqtarkan oo ku takhasusay qalliinka ayaa rasaastu ka haleeshay caloosha & garabka, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo qalliin lagu sameeyay, xaaladiisa ayuu noo sheegay mid ka mida dhaqaatiirta Isbitaalka inaan waxba laga sheegi karin oo uu ku jiro suuxdin, waana ninkii labaad ee ajnabi ah oo muddo laba bilood gudahood ah lagu dhaawaco Muqdisho, inkastoo dhaqtar shaqo u yimid Muqdisho.

Dhaqaatiir ajnebi ah oo dhalashadoodu tahay Falastiin, Suuriya, Ciraaq, Masar & Ruush ayaa ka howgala qaar ka tirsan isbitaalada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho, iyadoo aanan ilaa haddana si sax ah loo ogeyn sababta loo dhaawacay dhaqtarkaasi

 

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this