Sign in to follow this  
Major-General Cawad

340 New Houses in my Hometown of Garoowe for the internal displaced

Recommended Posts

1122182264.pjpeg

 

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Dhisme ka kooban 340 Guri lana damacsanyahay inay dagaan Qaxooti badan oo ay la soo gudboonaatay dhibaatooyinka dabiiciga ah sida roobabkii qobowga...

 

 

Watay oo kal hore ka da'ay gobolda Puntland iyo kuwa ka soo laabtay wadamada dariska la ah Somaliya.

 

Munaasaba dhagaxdhiga waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay gudoomiyaha Degmada C/salaan Xasan Xirsi Gu'jir, Gudoomiyaha Gobalka C/llahi Ciise Aw Axmed, Isimo uu horkacayo Suldaan Siciid Garase iyo qaybo ka mid ah xubnaha Golaha deeganka.

 

 

Dhinaca Kale sarkaal u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan guriyeynta ee Habitat ayaa shaaca ka qaadday in ay koonfurta magaalada Garowe laga dhisayo ilaa iyo 340 guri iyo adeegyadoodii kuwaas oo la dejin doono dadka ku bara kacay gudaha dalka (IDP) iyo weliba kuwa ka soo laabtay dalalka deriska la ah Somaaliya.

 

Maamulka gobolka Nugaal iyo golaha deegaanka gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo duqa degmada Garoowe, Cabdisalaan Xasan Gujir ayaa ku guulestey soo diyaarinta dhulka laga dhisayo dhismayaasha cusub ee ay maal gelineyso Qaramada Midoobey gaar ahaan dawladda Japan.

 

Guryahan deeqda ah ayaa waxaa laga dhisayaa dhinaca koonfureed ee magaalada Garoowe gaar ahaan agagaarka garoonkii hore ee diyaaradaha, waxana loo qaybiyey saddex qaybood oo isku dhow-dhow kuwaas oo uu cabbirkoodu kala yahay 300x130, 100x130, 200x100.

 

Go’aaminta dhulka loo qoondeeyey guryahan deeqda ah ayaa waxaa ka wada tashadaday odayaasha iyo waxgaradka deegaanka iyadoo arrintaas loo saaray guddi soo nidaamiya, sida uu Radio Garowe u sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal, C/laahi Ciise aw-Axmed.

 

Hay’adda UN habitat ayaa indhoweydba ka war sugeysey bixinta dhulkan ee ay ku hawlannaayeen maamulka gobolka, maamulka degmada iyo duqowda deegaanka, iyadoo haya’ddu ay dhakhso ku bilaabayso dhismaha guryahaas sida ay noo sheegeen mas'uuliyiintaa.

 

Isha wararka:Radiogarowe.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this