Sign in to follow this  
Paragon

Kooxo Islaamiyiin Ah Oo Hubaysan Oo Puntland Ka Askumay

Recommended Posts

Paragon   

Kooxo Islaamiyiin Ah Oo Hubaysan Oo Puntland Ka Askumay

 

(Puntland}10.05-07

Urur lhubaysan oo labaxay Shabaabka Islaamka ee Pubtland oo hawl galo ay fuliyeen kusoo qafaashay dad ay sheegeen inay diinta islaamka wax u dhimayeen.........................

 

Ururk la baxay Shabaabka Islaamka ee Pubtland ayaa waxay soo saareen Cajlad fiidoyow ah oo ay ka duubeen dadka ay qafaasheen oo ay ku tilmaameen inay fulinayeen arimo Diin ku taxaluqa . garkaarka ay wadeena ay ka hoos wadeen.

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa arintan isagu aan si cad uga hadal, balse ilo lagu kalsoonyahay oo aanu la xidhiidhnay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in ay waanwaani u socoto labada dhinac laguna talo jiro sidii si dhakhso ah loogu soo dayn lahaa labadaa ruux ee ajanabiga ah .

 

wasiirka Arimaha gudaha iyo Amaanka ee Puntland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa wuxuu telefoon noogu waramay in dhawaan talaabo kulul laga qaadi doono cagtana la marin doono kuwa sharafta Gobolka meel kaga dhacay waa Ururka Shabaabka Islaamka ee Puntaland e.

 

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inaanu hadda wax wada hadal ahi u socon , balse wararka kale ayaa sheegaya inay Odoyaal gobolka ka tirsani ku mashquulsan yihiin siday wax uga qaban lahaayeen dhacdadan oo laga cabsi qabo inay noqoto mid kowsatey siina socota.

 

Dhinaca kale waxa la xoojiyey amaanka guud ee xarumaha ay ka hawlgalaan hay'adaha samafalka ee ku sugan Puntland.

 

Lama oga ilaa iyo hada halka kooxaha hubaysan ay ula dhaqaaqeen shaqaalaha Hay'ada.

 

Madaxda sare ee hay'ada care international ee ku sugan magaalada Boosaabo ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan sababao dhinaca amaankooda ah,in kastoo shaqaalaha la afduubtay ay u badan yihiin soomaali.

 

Dhacdadan afduubka aha ayaa waxay daba socotaa dirir beeleed dhawaan ka dhacday degaanka Gaalkacayo labo belood oo wada dega

 

Radio Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this