Sign in to follow this  
xiinfaniin

TFG Minster of Federalism: PL has a right to have own flag

Recommended Posts

"Puntland xaq ayay u ledahay inay sameysato Calan"

14 Dec 14, 2009 - 7:03:26 AM

 

 

 

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Somalia Madoobe Nuunow Max'ed oo la hadlay saxaafadda isagoo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay sameysato calan iyo astaan u gaar ah.

 

Madoobe Nuunow, wuxuu sheegay maamul kasta oo Somalia ka jira inuu yahay mid Federaali ah ayna xaq u leeyihiin inay sameystaan astaamo iyo calan u gooni ah, balse taas macnaheedu uusan ahayn inay ka go'een Somalia.

 

"Dastuurka dalka u yaala waxaa ku qeexan in dalku uu yahay Federaal, sidaa daraadeedna dowlad goboleed walba ay sameysan karto calan u gaar ah iyo astaan u gaar ah" ayuu yiri Madoobe.

 

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo wasiirada goboleedka Puntland ay ansixiyeen astaan iyo calan gaar ah oo ay yeelanayso Puntland, taasoo u noqon doonta astaan maamul oo la aqoonsan yahay.

 

"Maamul Goboleedka Puntland ma uusan sheegin inuu ka go'ayo Somalia inteeda kale, wuxuuse sheegay inay sameysanayaan astaan iyaga lagu aqoonsado, xaq ayayna u leeyihiin" ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DF.

 

Waa markii ugu horreysay oo ay DF ka hadasho calanka iyo astaanta gaarka ah ee ay Puntland sameysanayso, balse wasiirku wuxuu sheegay in calanka Somalia uu yahay astaanta Qaran ee dalka oo dhan ka dhexeysa.

 

Inkastoo Puntland aysan sheegin inay ka go'ayso Somalia, haddana maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay inay ka go'een Somalia inteeda kale ayna yihiin dowlad madaxbanaan, walow aysan caalamka ka helin wax aqoosni ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this