Sign in to follow this  
Juje

Waa Ayo Al Shabaab Yeyse Dan U Yihiin?

Recommended Posts

Juje   

Waa Ayo Al Shabaab Yeyse Dan U Yihiin?

 

Kooxda Al-shabaab ayaa maalmahan danbe si wayn isaga dhexsaartay xoogaga iskacaabinta Soomaaliya, iyagoo ka falaagoobay kana amar diiday hogaankii Maxkamadaha ee Isbahaysiga la galay xoogag siyaasadeed oo kale.

Dhalinyaradan ayaa hab dhaqankooda uu shaki geliyey dad fara badan oo Soomaaliyeed oo wanaag doon ah. intaan ka badan in Al-shabaab laga aamuso waa arrin aan haboonayn, Soomaalidu waxay tiraahdaa "Libaax Alam Tara soo Dhaaf".

 

Waa arrin garawshiyo leh in dadka qaar ay ka hadalka arrinka dhibayso oo ay ku doodayaan in ummadu xili adag ay ku jirto oo aanan loo baahnayn in la kala qaybiyo oo tafaaraaruq la geliyo. Dadka doodaan qaba waa dad niyad samaan leh, laakiin ma aha mid meel ina gaarsiinaysa, hadii ay xog ogaalnimo badan heli lahayeenna waa ay ka tanaasuli lahaayeen. Haatan Al-shabaab ma jirto cid ay wax ka maqlaan, balse ficilkoodu wuxuu si dadban ugu adeegayaa danta Itoobiya, waana awood kaligood gooni u taagan oo ayan jirin cid ay masiirka ummada kala tashadaan ama uga amar qaadataan,marka laga reebo Asxaabtoodda dibadda.

 

Tafaraaruq iyagaa bilaabay in la iska qabto maahee maslaxad kalana ma muuqato. Bal eeg Ciraaq, waxaa dantii dadkii Sunadda ahaa bohol ku riday waa noocooda oo kale oo Ciraaq jooga, waxay dileen dhamaan hogaamiyayaashii diinta ee Sunadda, waxay dhabarka ka jebiyeen qabaa'ishii Sunadda ilaa markii danbe ay keentay in dadku iska celiyaan, iyadoo Maraykankii iyo Shiicadii ay ishayaan. Waa dan aan laga fursanaynin in Al-shabaab wado la iska mariyo oo ummadu inta goori goor tahay ka tashato kana maaranto waxgalkoodda sababtoo dhibkoodda ayaa ka badan waxtarkoodda.

 

Yey Dan u Yihiin Al-shabaab

 

Maalmahan danbe waxaa jiray dhawaaq si wayn dunidda uga soo yeerayey oo si dadban iyo toos ahba u canbaaraynayey tacadiga ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya ka wadaan. Mar qura ayaa Aadan Cayrow cajalad kasoo tuuray uu leeyahay waa in ciidanka Ugandha la weeraraa, labo maalin ka dib ayaa baasuukayaal lagu weeraray xarun ciidanka Ugandha leeyihiin, iyadoo waaberigii xigay weerarkaas uu Mukhtaar Rooboow sheegay in ay Al-shabaab weerarkaas ka danbeeyeen. Mawqifka hogaanka Maxkamadaha iyo inta badan Muqaawamadda kaa wuu ka duwanyahay. Waxay aaminsanyihiin, inkastoo ciidanka Ugandha uusan isafgarad Soomaaliyeed ku imaanin hadana la mid ma ahan ciidanka taliska Zenawi, sidaas daraadeed hadafka iyo halbeegu waa ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee uu damac dhulbaraalsi, aarsi iyo xasuuq uu ku jiro, waana cadaw dunidda si sahlan loo fahamsiin karo ujeedadiisa guracan.

 

Hadaba waxaa iswaydiin leh weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen ciidanka Ugandha yuu dan u yahay, yuu indhaha aduunka ka duwayaa, dabca waa Itoobiya. Ma jecli in aan tuhmo niyadda dhalintaas la jahwareeriyey, laakiin sida sahlan ee loogu biiri karo xoogoodda wuxuu keenayaa in Itoobiyaanku dad danahoodda ka shaqeeya ku dhexyeeshaan. Waxaa jirta qiso caan ah oo inta badan wadaadadu ay ogyihiin. Sanadkii 1996 ayaa markii wadaadu dagaalka la galeen ciidanka Itoobiya deegaanka Luuq oo ay Itoobiyaanku ka itaal roonaadeen wadaadadii, ayaa waxaa soo baxday in Nin Sheekh C/risaaq Garwayne la yiraahdo oo hogaamiyihii ciidanka wadaada ahaa uu Itoobiyaanka horay u sii raacay, taasoo niyad jab wayn ku noqotay dhalintii dagaalka ku jirtay. Waxaa kaloo dhacday xiligii Maxkamadaha in dhalinyaro asalkoodu Oromo ahaa oo sanooyinkii ugu danbeeyey ku sugnaa Soomaaliya kana mid noqday hogaamiyayaasha ciidanka Maxaakimta ay saraakiil ka ahaayeen ciidanka Itoobiya. Ragani Al-shabaab ah, waa xoog dabacsan oo ay sahlantahay sida looga mid noqdo. Waxaa keli oo kugu filan in aad Tawxiidsato, Ger Wayn la Baxdo, Gaaladaan Xasuuqayaa ku celceliso. Laakiin aduunka aan maanta joognaa ma ahan mid sidaa u shaqeeya ee waa aduun danuhu isdhaafsanyihiin, dadkana aan sahal lagu kala sooci karin, sirdoonkuna sidii jinigii u shaqeeyo.

 

Waa ayo Al-shabaab maxayse Doonayaan

 

Al-shabaab waxay qayb ka yihiin urur waynaha Al-qaacida sida ay iyagu sheegteen. Al-shabaabka Soomaaliya iyo Al-qaacidada aduunkaba nuqsaantooda waxaa ka mid ah in aysan lahayn taageero shacab iyo culimo la ictiraafsanyahay oo dariiqooda taageersan. Waa dhalinyaro kaligood culimo isku ah oo aan lahayn Fiqi Diineed qoto dheer. Alshabaab waxaa ka quustay dhamaan culimadii Soomaalida ee ictibaarka lahayd, ma jirto culimo magac iyo miisaan leh oo ay taageero uga haystaan fikirkoodda, iyaguna waxay isku qadariyaan waa inuu ruuxu dagaal yahan yahay Afgaanistaana u tegey Usaama Bin laadinna soo arkay. Waxaan shaki ku jirin in ay ka faa'iidaystaan gocoshadda iyo dhibaatadda dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaanba lagu hayo, laakiin waxaa si wayn u muuqata in ay dhibaatadaas sii murjinayaan oo ceel kasii ridayaan. Hadafkoodu waa mid mustaxiil ah xiligan marka la eego quwadaha aduunka iyo sida nolsha Casriga ahba ay u dhisantay. Waxay sheegaan in ay doonayaan dawlad Islaami ah oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ka hirgasha, oo Imaaradii Islaamka laga taago la iskana iloobo xuduuudaha haatan jira ee Muslimiinta, qaarkood waxay qabaan in Kacbadda la xoreeyo oo xukunka reer Aala Sacuud meesha laga tuuro.

 

Waa rag Muslimka iyo dadka aan Muslimka ahaynba colaadu isku si uga dhaxayso oo aysan tabartooddu u qiyaasnayn, waa rag mudnaan waxqabad iyo oodaha sida ay u kala sareeyaan in loo kala qaado aysan xisaabta ugu jirin, waa rag doonaya in ay uun qoray heegeysnaadaan cidii aan iyaga ka amar qaadaninna uu gaal yahay. Waa rag aan qawaaniin dawli ah iyo Qaramo midoobay ictiraafsanayn, waa rag qiyaasta Khatarta iyo halista aysan halbeeg u lahayn, waa rag mayraxi madaxa ugu xirantahay uusan masiir qaran mushkilo wayn ku haynin, waa rag miisaamida Masaalixda iyo Mafaasidda ayan u muuqan, maxaase la kala hormariyaa murugo ku haynin. Waa rag markii Sheekhoodii ugu waynaa ka yaabay fariin Ashtako ah Al-jaziira usoo mariyey. Maalmo ka hor ayuu Sh. Usaama isagoo la hadlaya Al-qaacidada Ciraaq ku ehbeyey in ay Maslaxadda kooxda ka hormariyaan Tan Jamaacadda, Tan Jamaacadanna ka hor mariyaan tan dowladda, tan dawladana ka hormariyaan, tan umadda. Dad badan baa qabay ragani in ay Mujaahidiin yihiin oo Shahaado doon yihiin, laakiin ragii ka dhinac dagaalay waxay sheegeen in hogaamiyayaasha Al-shabaab ay dhamaantood baneeyeen furumihii dagaalka xiligii dagaalkii Itoobiya uu socday.

 

Rooboow waa kii dhoofay, Ibraahim xaaji (Afgaan) sedex boqol oo dhalinyara ah isagoo wata ayuu Aaga Jawhar baneeyey, Cabdi Godane (Mukhtaar) sidoo kale ayuu Iidaale isaga soo baxay, Cayroow sidoo Furunta Jawhar ayuu kasoo baxay oo Muqdisho isaga soo laabtay. Dadkii ka qaybgalay dagaalkii Itoobiyaanka waxay isku raaceen in ay Al-shabaab masuul ka ahaayeen jabkii Maxkamadaha iyo fashilkii mashruucoodiiba.

 

Al-shabaab waxay isku koobeen dhamaan talisyadii ciidanka iyagoo diiday ragii khibradda ciidanka lahaa ee wadani iyo wadaad intaba lahaa. Sax waa yihiin rag tababaran, laakiin tababarkoodu waa shakhsi iyo sida uu u dagaal galo, laakiin si loo dhigo Istaraatiijiyo ciidan, Saadka ciidanka loo xariiriyo, cadawga awoodiisa loo qiyaaso looga soo sir waramoo, kaartadda dagaalka loo dhigo waa arrin u baahan khibrad ciidan iyo in aad Kuliyaad Xarbi kasoo baxday. Tan kale waxay Maxkamadaha ku qasabeen in ay dagaal aysan diyaar u ahayn galaan, markii la galayna dhamaan aagagii ay joogeen waa ay soo faaruqiyeen.

 

Rasuulkeenna (SCW) wuxuu yiri Muslim labo jeer god lagama qaniino ee Hogaanka Maxakamudu waa in ay ragan mawqif cad iska taagan, intii ay arrinkan qarin kareenna waa ay qariyeen, Soomaaliduna waxay tiraahdaa "Wixii Aad Qarsato Waa Ay ku Qurunsadaan" ee inta goori goor tahay dhalintan waa lagu daalay in loo caqli celiyee ee umadda ha loo cadeeyo halistoodda iyo hadafka guracan ee ay wataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Alshabaab want to link themselves to an imagined or perhaps none existing global Islamic struggle( to recreate the righteous Khilafah). The Emir of this global struggle is rumoured to be a certain middle aged man in Afghanistan. Of course what they forget is that these local populations, be they in Iraq, Somalia or Afghanistan don't neccesarily see themselves as part of this global struggle. They understand these wars in their forms of Islam,local culture and tribes.

 

 

Mr Ceyrow's last speech was aimed as much at the group in Asmara more-so than the "occupiers". He said that it was not enough " to host meetings" and make noises in the international media, rather Jihad is the only way and solution. He also made it clear that the war in Somalia was not one between Ethiopia,Somalis or ethnic groups(Somali tribes) but between Crusaders and Muslims, this might have been a reference to the clan insurgents in Muqdisho. Thus Mr Ceyrow tried to distance himself from both the clan insurgents and the group in Asmara. His opening statement " I give greetings to the Mujahideen in Chechnya, Iraq, and Afghanistan; and his call for non Somali Muslims to fight in Somalia was again a way of trying to distance himself from Somali Nationalism and tribal insurgencies. The most troubling remark in his speech was his reference to slaughtering Ethiopians in Adiss Ababa just like "they slughtered ours in Muqdisho". This could be the first sign that Mr Ceyrow's group perhaps might be willing to adopt Alqaeda style tactics and take the fight to neighbouring capitals. To these men the world is black and white; there are infidels and there are Muslims. There is Darul Islam and there is Darul Harb as understood in the middle ages.But they forget a city like Adiss Ababa today is home to all religions including Muslims, Jews and Christians. Globlization combined with the modern mulitcultural state has made these distinctions between infidel land and muslim land even more blurred.

 

 

It is also highly questionable whether the group in Asmara can still be officially allied to this group after they have taken such a divergent path. Asmara group have made clear they don't support Alqaeda, don't support foriegn fighters and they support secular Somalis to play a great role. Alshabab has gone as far as labeling the Asmara secularists as Infidels. There will also remain great questions as to whether the clan fighters can keep up their relationship with the Alshabab group. This is a delicate relationship which can change at anytime.

 

We saw the Alqaeda in Iraq unravel as their alliance with local sunni tribesman and other so called insurgents broke down. The break down of this relationshiop was caused by several factors, namely: the brutal violence of Alqaeda in Iraq, in some cases women who were simply collecting rubbish were shot for being being "apostates" and "traitors". They also supported mass attacks and suicide bombings against Shia civilians whom they branded as " rafidah(rejectors). The Alqaeda in Iraq also tried to push the hardcore Salafi(some call it Wahabisim) model to Sunnis in Iraq,whom had been relatively unwilling to take on this type of Islam. Therefore, the Alqaeda in Iraq didn't understand or respect the local tribal culture of the Sunnis in Iraq. Infact they tried to import to them a relatively foreign brand of Islam and they even gave allegiances to those outside of Iraq such as Osama Bin Laden as the Emirs of the struggle rather than those leaders of the local Iraqi resistance. Is Alshabab taking the same root? ie being self righteous,brutal and unwilling to understand the struggle of their local populaces? Can they maintian the delicate relationship between them and Somali subclans? Time will tell! But if they are to take a page from history they should know that the most succesful Islamist groups are those that solely and only focuse on their local struggles. These include Hezbollah and Hamas, groups who never seek to make judgements on other global conflicts or appear to side themselves with the global Alqaeda network. Rathey they attempt to clean their own houses( however you interpret that). Those who have aligned themselves with and fought with other global purist groups have failed in Bosnia, Chechnya and know Iraq. For the simple reason that they don't understood or appreciate the dynamics, history and local struggles of the very people they are trying to "liberate". Of course there is suppose to be an Ummah, but there is also Lebanese, Palestinians and Somalis.

 

I'll leave you with some thought provoking words from a Mr Oliver Roy in his book : Globalised Islam: The search for a new Ummah

 

quote:The jihadists, on the contrary, are confronted with real world. They choose to fight. But even Jihadists geography relates to some sort of imagined world. Jihadists always ignore the concrete socio-cultural context of the people they want to help; they disregard their culture, national interest and politics. They fight at the periphery of the Muslim world, from Bosnia, to Kashmir, through Chechnya and Afghanistan , in the very confines were the muslim warriors of the first century AH had to stop their victorious march. But these confines are also the remanants of fallen empires and the fault line between North and South( or rich and poor countries): they are related to modern wars and politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this