Sign in to follow this  
General Duke

Kalshaale: Heavy fighting, death and destruction as Siilanyu's clan attacks SSC ..

Recommended Posts

Dagaal Culus oo ka soconaya Maygaagle iyo Maleeshiyaadka SNM iyo Tiknikadooda oo si Rasmi ah ugu soo Biiray Dagaalka.

Written by Jidbaale

 

Wednesday, 17 November 2010 03:33

Maygaagle(Jidbaale):- Waxaa ka soconaya deeganka Maygaagle dagaal Badhi fur ah oo la xidhiidha dagaalkii shalay ka dhacay baliga Kalshaale. Dagaalkan oo ahaa mid jiho kale ay ka fureen markii hore maleeshiyaadka .......... ayaa waxaa ku soo biiray ciidamada SNM oo gurmad ahaan uga baxay Oog iyo Caynaba.

 

Dhimasho aad u fara badan ayaa la sheegay inay gaysteen hubka waa weyn ee ay isticmaalayaan SNMtu, waxaana la sheegay in shacab fara badan oo ku dhaqnaan tuuladaasi ay Le'deen, walow aan ilaa hada lahayn tirada saxda ah ee dhimashada dadkaasi.

 

Dhanka kalena gurmad fara badan ayaa ka soconaya magaalada Buuhoodle iyo dhaamaan deegaanada Hawdka, kuwaasoo ku qul qulaya goobaha dagaalka si ay garab u siiyaan shacabka ay ku soo duuleen maamulka Siilaanyo oo kaashanaya beeshiisa.

 

Ku soo biiritaanka dagaalka ee maleeshiyada maamulka Hargaysa waxay cadeynaysaa colaada weyn ee ay cadeysteen maamulkaasi, waxaana sidoo kale dhanka kale la xaqiijinayaa in dhamaan deeganada beesha ***** degto ay ka soconayaan Gurmadyo fara badan.

 

Deegaanada Nugaasha ee beesha SSC ayaan wax dhaqdhaqaaq ahi ka jirin, waxaana ay u muuqdaan inaysan dareensaynayn colaada weyn ee ay u soo tafaxayteen maamulka SNM oo kaashanaya beelihiisa.

 

Waxii wara la soco wararka yaga danbe.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Somaliland Oo Kala Dhex Galay Labada Beelood Ee Shalay Dagaalku Ku Dhex Maray Kalshaale Iyo Labadii Dhinac Oo Isku Diyaarinaya Weeraro

 

Hargeysa, November 17, 2010 (Haatuf) – Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa kala dhex galay laba beelood oo shalay dagaal ku dhex maray deegaanka Kalshaale, kuwaas oo ka soo kala jeeda Beesha Bariga Burco iyo Beelaha deegaanka Buhoodle.

Dagaalkan oo dhacay shalay subax qadar yar dabadeed xiligii Salaada Ciida Carafo la tukaday ayaa ka dhashay nin habeen saddexaadkii lagu dilay deegaanka Kalshaale oo isagu ka soo jeeday beesha deegaanka Buhoodle ee weerarka soo qaaday.Dagaalkaas oo bilaabmay subaxdii hore ee shalay ayaa waxa ku dhintay ilaa inta la ogyahay 9 qof, halka ay 9 qof-na ku dhaawacmeen, laba nin oo maxaabiis ahna la kala qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodle:(Allpuntland)-Wararka ay APL ka helayso Deegaanka Kalshaale oo ay Shalay Dagaalo xoogani ku dhexmareen Malayshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda Degmooyinka Buuhoodle & Burco ayaa kusoo waramaya in Saaka Barqanimadii uu markale halkaas dagaal xoogani ka qarxay.

 

Wararku Waxay sheegayaan in Dagaalkani bilowday kadib markii Malayshiyaad kasoo jeeda dhanka Burco oo wata gawaari tikniko ah oo ay leeyihiin Ciidanka Somaliland ay saaka halkaas soo weerareen islamarkaasna ay fooda isdareen kooxdii ay shalay ku dagaalameen Deegaanka Kalshaale.

 

Ilaa & Imika majiraan Wax war ah oo rasmi ah oo laga helayo Deegaanka ay Colaado saaka markale ka bilowday,waxaana imika gurmadyo badani ay gaarayaan goobta dagaalka iyadoo laga cabsiqabo in uu Dagaalku ka balaarto imika sida uu u socdo maadaama ay Gurmadyo badani halkaas gaareen.

 

Deegaanka Kalshaale oo 34-Km dhanka Waqooyiga uga began Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa uu shalay dagaal xoogani ka qarxay Waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii beelo degen meelo iskudhow oo kasoo kala jeeda SSC & Somaliland ay ku dagaalameen Ceelal biyoodyo halkaas laga qoday & kuwo horey uga qodnaa,waxaana Dagaalkii shalay ku geeryooday ugu yaraan 7-Ruux oo 5-kamid ahi ay kasoo jeedaan dhanka Magaalada Burco.

 

Wixii War ah oo kasoo kordha dagaalkan APL kala soco.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii u danbeeyey ee dagaal Beeleed ka dhacay degaanka Kalshaale ee Gobolka Ceyn

November 17, 20104 comments| leave your own! Share

 

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ceyn ee maamulka Puntland Maxamuud Sheikh Cumar Xassan oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale oo qiyaastii dhanka waqooyi galbeed 25KM kaga beegan degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

 

Wuxuu sheegay in 2 qof ay ka geeriyoodeen,halka 4 kalena ay dhaawacmeen reer Buuhoodle,halka dhinaca kale ee reer Qorilugud ay dagaalkaasi kaga geeriyoodeen 8-qof,walow aan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhaawac ee soo gaaray.

 

Saaka ayaa xiisad colaadeed mar kale ay ka soo cusboonatay deegaanadii shalay uu dagaalku ka dhacay,waxaana wararku ay tibaaxayaan in ciidamo ka yimi degmada Buuhoodle oo qayb ka ahaa beeshii dagaalka shalay gashay ay la wareegeen qaar ka mid ah deegaanadii uu shalay dagaalku ka dhacay.

 

Ciidamo hubaysan oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa goobta soo gaaray saacadihii ugu dambeeyay oo kala dhex galay labadaasi beelood oo dagaalkoodu uu salka ku hayo ceelbiyoodyo.

 

Xaalada goobihii shalay ay wax ka dhaceen ayaa maanta degan,waxaana jira dadaalo ay wadaan hogaamiye dhaqameed doonaya in ay xaliyaan xiisadaasi dagaal ee soo kala dhex gashay labadaasi beelood.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this