Sign in to follow this  
General Duke

Widhwidh: SNM clan militia routed in Cayn

Recommended Posts

Widhwidh:Xaalada Widhwidh oo weli kacsan & Dagaaladii oo qaboobay.

22. maj 2010

 

APL

 

 

Widhwidh(Allpuntland)-Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Deegaanada hoosyimaada gobolka cayn ee Puntland oo ay maanta Halkaas dagaalo kulul ka dheceen ayaa kusoo waramaya in Xaalada halkaas ay goordhaweyd oo maqribkii ah Caadi kusoo laabtay.

 

Wararku waxay sheegayaan in Dhimada Widhwidh ay aad u artahay marka loo fiiriyo Dagaalka oo saacado badan si xowli ah ku socday,waxayna wararku intaas ku darayaan in dad u badan Ciidanka Soomaaliland ay halkaas ku dhinteen.

 

Ciidamo beeleedyada SSC oo xiriir lasoo sameeyey APL ayaa sheegey in ay guud ahaanba halkaas la wareegeen isla markaasna ay qabsadeen saraakiil badan oo katirsan Ciidanka Soomaaliland isla markaasna ay lawareegeen xabsigii dhexe ee Widhwidh.

 

“Dagaalka anaga ayaa ku guulaysanay oo guud ahaanba,waxaanu qabsanay Saldhigii Buuhoodle,waxaanuna dilnay Saraakiil badan oo uu kamid yahay ninkii haystay Guutada 17-aad ee Ciidan Soomaaliland”Ayuu yiri taliye sare oo katirsan Ciidan beeleedka SSC oo APL xiriir lasoo sameeyey.

 

Majirto cid madax banana oo wararkaas xaqiijisay,Maamulka Soomaaliland-na wax war ah kama aysan soo saarin Dagaalka maanta halkaas ka dhacay oo aanan weli la xaqiijin Karin in uu si toos ah u isaagay.

 

Dhinaca kale warar laga helayo miyiga howdka ah ee gobolka Cayn ayaa kusoo waramaya in halkaas ay isku heleen labo Gurmad oo ukala socotay Soomaaliland & ciidan beeleedyada kasoo jeeda gobolada SSC halkaasna ay khasaaro badani ka dhalatay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shaley dagaakladii ka dhacey Buuhoodle ayaa ahaa kuwa aad loo buunbuuniyey oo aan xogta rasmiga ah wali la sheegin lakiin....

 

Buuhoodle(Puntlandi.com)Dagaalkii shaley ka dhacey Buuhoodle oo markii hore ay soo qaadeen koox maleeshiyo reer Hargeisa ah ayaa siadan u dhacey.

Maleeshiyada Hargeysa ayaa si xun loogu jabiyey dagaal ay shaley kusoo qaadeen aaga Buuhoodle,kadibna Saraakiil ka tirsan maamulka Hargeysa ayaa la heshiiyey Ciidan joogey Xadka itoobiya oo Soomaali u badan si ay u difaacaan ciidankooda lasoo jabiyey,arintaana Dowlada Itoobiya waxba kama ogeyn,oo waxey ahaayeen Ciidan lacag qaatey,Ciidankaas waxaa la xaqiijiyey in si xun loo jabiyey,dadka lagu laayey ee ciidamada itoobiyaanka ah waxey abadnaayeen Soomaali asal ahaan ka soo jeeda Hargeysa iyo labo Itoobiyaan ah.

Dowlada Puntland ayaa markiiba xiriir lasameysey Itoobiya balse Itoobiya waxey u xaqiijisey inaysan waxba kala socon arintaan,waxeyna markiiba usoo dirtey saraakiil Buuhoodle,kuwaasoo saaka la kulmey odoyaasha deegaanka,Itoobiya waxey raaligalin kasameysey in rag ciidamadooda ah ay ka qaybqaateen dagaalka,waxeyna sheegeen iney baarayaan sababta keentey arintaan,Odoyaasha Buuhoodle waxey saraakiishaan Itoobiyaanka ah ku wareeejiyeen 8 askari oo Soomaalida Itoobiya ah oo dagaalka lagu qabtey.

 

Wararka rasmiga ah waxey sheegayaan in Maleeshiyada Hargeysa laga diley ugu yaraaan 45,dagaal saaka ka dhacey meel widhwidh u dhow oo looga daba tagey haraagii waxaa laga diley 8 labo gaarina waalaga qabtey.

 

Magaalada Buuhoodle aadbey u degantahey hada,dadka magaaladuna waxey ku faraxsanyihiin ineysan mardambe soo haweysaneyn maleeshiyada lagasoo dirayo Laascaanood iney Buuhoodle soo galaan.

 

Sargaal sare oo u hadley Ciidamada datraawiishta Puntland wuxuu sheegey iney ka qaybqaateen dagaalka Buuhoodle,ayna maanta u direen daawo iyo saad kale nawaaxiga Widhwidh.

 

Waxaa la sugayaa in Itoobiya ay ka hadasho dagaalkii Buuhoodle oo ay saxaafada u sheegaan sidey wax u dheceen.

 

Warar kale oo aan ka helney Wardheer waxaa naloo xaqiijiyey iney jiraan saraakiil Soomaalida Itoobiya ah oodagaalkaan ku lug lahaa in xabsiga la dhigey.

 

kala soco wixii soo kordha Warbaahinta Puntlandi.com

 

Bashiir

Puntlandi.com

bashiir@puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

General D, allpuntland news is so old.. Latest, the Somalidiid malitia fled from entire hawd area and went back to their bases in near LA..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widhwidh(Jidbaale.com):-Wararkii ugu danbeeyey ee Degmada Widhwidh aaya sheegaya in dagaalkii halkaas ka soconayey maantoo dhan uu sii Qarxay markale. Warku wuxuu sheegaya in dagaalkaas oo hubka Noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu sababy Khasaare Naf iyo maalba leh.

 

Dagaalkan oo dhexmaray Ciidamada Xaq u dirirka Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo maleeshiyaadka Soomaalida Midnimada Neceb{}SNM}. Wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in halkaas uu dhashay dhimasho aan la soo koobi karin, waxaana la isla galay meel aad jiq u ah oo Jeexyo ah. Ciidamada SSC ayaa la sheegay in baabur badan halkaas ku gubeen oo tikniko ah waxaana la sheegay in ay dileen tobonaan ka tirsan kuwa ka soo duulay Boorame, Burco, berbera iyo Gebiley.

 

Dhanka SSC ayaa waxaa ka shahiidey 4 Askari, kuwaasoo qaarkood magacyadoo na loo sheegay. Waxaana ka mid ah

 

1: Xariir Mohamud Xoosh

 

2: Faarax Ciise Mirre.

 

3: Ina Gaagaale Cali Hodan.

 

4: Iyo Mujaahid kale oo aan magaciisa naloo sheegin Laakiin aan dib idinlkaga soo gudbin doono.

 

War hada na soo Gaadhayna wuxuu sheegaya in maxaabiis fara badan laga qabtay SNMta. Kuwaasoo sida la sheegay lagu hayo Saldhigyada Ciidamada SSC.

 

Dhanka kale waxaa dagaalkaas lagu dilay nin lagu magacaabo Col. Axmed Daahir oo ah taliyaha malayshiyada qaybta 17aad waxa kale oo gacanta lagu dhigay maxaabiis farabadan iyo hub kan fudud ah.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa waxa uu bilaabmay ka dib markii ay soo rogaal celiyeen malayshiyada Hargeysa dagaalka oo ka bilaabmay gudaha iyo Hareeraha magaalada Widhwidh. dagaalkan oo ay soo qaadeen Ciidamada SNMta aya wuxuu hada si xawli ah uga soconay sadex jiho oo ka tirsan magaalada Widhwidh.

 

Maleeshiyada SNMta ayaa waxay isticmaalayan Hub cul culus oo ay magaalada ku duqeeyeen Taasoo sababtay in dagaalku uu noqsdo mid aan w axba la iskula hadhin. Ilaa hada dhimashada ayaan Cadadkeeda la sheegin laakiin waxaa la sheegay in Mayd badan wadhan yahay wadooyinka Magalaada Soo gala oo dhan. Xoogaga Xaq u dirirka SSC ayaa la sheegay in ay si weyn magaalada u difacayaan waxaana la sheegaya in aysan waxba la hadhin.

 

Magaalada Hargaysa ayaa laga damiyey dhamaan isgaadhsiintii magaalada si uu u yaraado Wararka laga helayo dagaalkaa. Waxaan arintan iska kaashanaya maamulka iyo Shirkadaha ayadoo shirlkad loogu qaadashada badan yahay ee Telesom ay shalayba hore uga goysey Buuhoodle markii Itoobiyaanka lagula dagaalamayey.

 

Xaalada deegaanada SSC ayaa gashay mid adag, ayadoo waxa lagu xisaabtamya ay tahay hadba sida shacabku uu u muujiyo Isku duubni iyo isku Hilbo dirir.

 

 

 

JIdbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A_Khadar:

General D, allpuntland news is so old.. Latest, the Somalidiid malitia fled from entire hawd area and went back to their bases in near LA..

Even better news, this is the beggining of the end for the secessionist day dreams.

 

Now for them to be routed in all of the free lands of Somalia, including Awdal..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

10 from SSC militia killed

 

 

Widhwidhi (Oodweynenews)- Weerar lala beegsaday Ciidan ka tirsan Ciimada Qaranka Somaliland magaalo-madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa illaa hadda inta la ogyahay waxa ku dhaawacmay affar askari, ka dib markii koox dablay ahi ay jid-gooyo u galeen.

 

 

 

Waxaa kale oo waraku sheegayaa in dagaalkaas oo markii dambe ballaadhay inay dablaydaas kaga dhinteen toban qof iyo ilaa labaan dhaawac ah, oo isugu jira dhaawac kala duwan.

 

 

 

Ciidankaas weerarka gaadmada ah lagu qaaday, ayaa markii weerarka lagu soo qaaday waxay marayeen magaalada Widh Widh, iyagoo ku soo socday magaalada Buuhoodle oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidammada Itoobiyaanka iyo dadka deegaanka, kaasoo sababay khasaare ba'an oo dhimmasho iyo dhaawacba leh.

 

 

 

Dhaawaca soo gaadhay Affarta askari, ayaa waxa loola soo cararay dhinaca cisbitaalka magaalada Burco oo hadda lagu dawaynayo, waxaana ku jira Taliyihii guutadaas la soo weerary Axmed-Daahir Cali oo rasaasi kaga dhacday dhabarka, illaa hadana koomo ku jira.

 

 

 

Kooxdaas dablayda ah ee dagaalka gaadmada ah ku qaaday Ma jiro, warar dheeraada oo ka soo baxay khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, Haseyeeshee waxaa wararka aanu jiidaas ka helaynaa sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland yimaadeen goobtii weerarku ka dhacay oo illaa hadda uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidanka iyo dableyda weerarka soo qaaday.

 

Oodweynenews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

"Waxaa kale oo waraku sheegayaa in dagaalkaas oo markii dambe ballaadhay inay dablaydaas kaga dhinteen toban qof iyo ilaa labaan dhaawac ah, oo isugu jira dhaawac kala duwan."

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer this week you have met the greatest set back in your history. Now everyone will support the reveloution taking place, Buhudle is safe and all of Cayn has been cleansed of the SNM militia thats the latest news.,

 

Now for LA, and the end game for secessionits in NW Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this