Sign in to follow this  
Saalax

Sarkaal Sare oo Faah Faahin Ka Bixinaya Heshiiska UWSL La Gashay Itoobiya

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Midowga Jabhadda Xoreynta S/galbeed Sheekh Axmed Cabdi Nuux (Axmed Nashaad) ayaa markii ugu horeysay Shaaca ka qaaday inay Heshiis Xabad joojin ahi la saxiixdeen Dowlada Itoobiya, isla markaana ay Mudo Bil ah ka dib Shirweyne ku qaban doonaan Gudaha Wadanka.

 

Gudoomiyaha Golaha Shuuradda oo Xalay Shir jaraa�id Khadka Taleefanka ugu Qabtay Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa yiri �Walaalayaal sidaad Ogtihiin waxaan Doonayaa inaan Idiin Sheego Wadankaas Soomaaligalbeed Ururka Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed wuxuu ku jiray Dagaal 18 sano ah oo Runtii Xaalado badan oo kala duwan soo maray kana Dhasheen Khasaaro Dhinac walba leh oo xaga Maadada ah iyo xaga Basharigaba ah Daruuradaas 18-ka sano arintaa socotay waxaa lagama maarmaan noqday ama soo baxayay Had iyo jeer Baaqaq Badan oo ka kala imaanaya Dhinacyo kala duwan Khaas ahaan shacabka wadanka ku nool Dhanka Dowlada oo inay Nabad iyo Wada hadal Diyaar u yihiin cidii diyaar u ah arimahaas oo dhan markii ay dhaceen 18-kaas Sanana Xaaladaas socotay Wadankuna Abaaro iyo Xaalado Dagaal iyo Arimo aad u qalafsan ka jireen ayaa waxaan u aragnay inay Khasab tahay maanta Arin Sharci ahna tahay Xagga Diinta Islaamka ku banaana Sida aayadda aan Akhriyay, Nabiga SCW siiradiisa in badan uu Wada hadal iyo Nabad wax ku raadinayay, Ururka oo Siyaasadiisa Asalka ah ay tahay inuu Nabad iyo Wada hadal iyo wada hada xaajood wax ku Dhameeyo ayaa waxaan u aragnay Ururka Madaxdiisu u arkeen inay Daruuro tahay Maanta in arintaasi loo Dhaga Nuglaado sidaa darted waxaa dhacay Kulamo anaga iyo Dowlada na dhex maray oo Meelo kala duwan ka dhacay sida Yurub iyo Afrika Meel ka mid ah, Arintii waxaa ka soo baxay Baaqaqa aan sheegayo oo Dhinaca Dowladda iyo Xagga Duqeyda iyo Cuqaasha Wadanka ka jirta iyo anaga oo xaaladaa Danaynay in aan sameyno Barnaamijkaas oo aan ku qanacno oo Aan Xabad joojin sameyno, ama waxa fiqiga islaamiga lagu yaqaano Hudno oo Mudo waxaa lagu jiraa sida aad ogtihiin hadda aad u qalafsan xagga Dowladana Doorashooyin wadanka ka socda ayaa jira oo aad baa loo mashquulsanyahay anaguna inaan Wakhti u helno inaan Dad kayaga la tashano Shirar qabsano Umada Taladda Wax ka galino haday noqoto Dadka Dibadaha ku nool Aqoonyahanka Culimada Ururka Xubihiisa oo Aduunka ku kala firirsan Hogaamada Ciidamada kala jooga Goboladda kala duwan inaan Fursad u helno ayaan arintaas Hudnada ah u gaadhnay taasi waa qodob�.

 

 

Gudoomiyaha Golaha Shuuradda ayaa Baaq u diray Kaadirka iyo Xubnaha Jabhadda Cuqaasha Ugaasyada iyo Waxgaradka S/galbeed wuxuuna ugu Baaqey in la isugu yimaado Shirweyne lagu qaban doona Dalka Gudihiisa, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri �Qodobka labaad, Waxaan ugu yeedhayaa Dhamaan Dadka Soomaaligalbeed gaar ahaan Kaadirka iyo Xubnaha Jabhadda Dadka Dibadaha ku nool Dadka Cuqaasha Ugaasyada iyo Waxgaradka iyo indheer garadka Dhamaan in la iskugu yimaado Shirweyne aan ka qaban doono Gudaha Dalka Geed hoostiis inaan ku wada tashano Qadiyada dhinac waliba ka istaagno fulay Xantii ma mooga ayay dhahaan soomaalidu in badan waxaa laga yaabaa inay Dad badan lahaayeen hadaad Ururkii tihiin Talada wax naga siiya Dalkiina waa naga dhaxeeyaa Dantiina waa naga Dhaxeysaa Dantii guudna waa noo wada Muuqataa, Marka in Shir weynahaas la iskugu yimaado insha allaahu Bil Dabadii dhacaya saan filayno, Shirkaas aan kuwada Tashano Mudada lagu jiro Hudnadan laga soo wada faa�iidaysto aan wadankii isugu Nimaadno wixii Danta Umada ahna waxaan Balanqaadaynaa inaanan ka Boodaynin Masalaxadda Umadana ay tahay tan hore, anaguna aan Arintaa Diyaar u nahay Si gaar ahna waxaan ugu Baaqeynaa in laga soo wada qeyb galo�.

 

 

Mar la weydiiyay Waxa sababay xiligan inay Itoobiya wada hadal la galaan Itoobiya, wuxuu ku jawaabay �Waxaa sababay sidaan tilmaamayba Duruufo badan ayaa ka dhashay Dagaalkii haday noqoto xagga Khasaaraha, haday noqoto xaaladii oo aad u sii cakiran Anaguna siyaasad ahaan waxaa had iyo jeer ajandaha noogu jira haddii aan heli karo Xal Nabadeed hadii aan Wada hadal Xor ah oo aan Tuug tuug iyo waxba ku jirin la heli karo in aan Qadiyadaanada Miis soo dhigno Tii baadna moodaa inuu Baaqaq badan oo soo yeedhaya iyo Cuqaal badan oo is-xil qaantay iyo Dowlada Itoobiya oo intaas oo jeer ku cel-celisay inay Diyaar u tahay iyo Is-badal noo Muuqda oo Siyaasadaanadii horumar u sameynaya oo aan waxba yeelayn oo ah in Wada hadalkii Istiraatiijiga noo ahaa markii horaba uu Diyaar yahay manta, sidaas ayaan u qaadanay Xabad joojinta, xabad joojintana macnaheedu waxaa weeyaan in labada dhinacba laga diyaar garoobo Fursadaan laga faa�iidaysto, Dowladuna Doorashadeedaas inta ay ku jirto ee ay ku Mashquulsantahay anaguna Ummadii iyo Dadkii iyo wixii naga kala daadsan inaan isku soo uruurino si aan fursadda ugu faa�iidaysano sidaas ayaa keentay�.

 

 

Sidoo kale Mar la weydiiyay Cidda Dhex dhexaadisay labada dhinaca iyo waxa iska badalay Mowqifkoodiii ku aadanaa Itoobiya? Wuxuu ku jawaabay�Walaal nin waliba waa waaya aragoobay, Wakhti dheer baa la soo qaatay, Mindi Mindi ku taagna Macno ma sameynayso ,Muhimaduna waxa weeyaan in Miiska la wada yimaado Duruuftiina waa saamaxday waaya aragnimadaasna waa jirtaa, Hadee Dad badan oo Kheyrka jecel oo Wadankii iyo Dadkii danaynaya iyo Maslaxadda Guudna waa jiraan, Adraaftaas badan bay marka Umadayadii iyo Dadkayagii u badan Baaqaq ka soo baxayay u dhaga nuglaanay, waana sidaan horey u sheegay Istiraatiijiyada Aragtiyadeed oo siyaasadeed oo aan is-badalayn inuu noqon karo xalka in Miiska lagu gaadhi karo oo aan loo baahnayn Xabad haday Dhinaca kale ka suuroobayso Jawigaas oo Muuqda Maanta ayaa keentay�.

 

 

�Walaal sidaan kuu sheegay Mowqifkii iyo Wada hadalkii iyo hadalkii dheeraa ee ka fool ka foolka ahaa ee arintaa lagaga hadlayay wali lama gaadhin, Iminka waxaan taaganahay Xabad joojin, labada dhinac inay Iltizaamaan waa ka muuqataa waana ixtiraameynaa waana ku dhaqmaynaa kaana waa la gaadhayaa insha allaahu tacaalaa wakhtigiisaana laga hadli doonaa�.

 

 

Sidoo kale waxaa Gudoomiyaha Golaha Shuuradda ee UWSLF la weydiiyay Goorma ayaad heshiiska Xabad joojinta saxiixdeen? goormase ayay dhaqan galaysaa? Wuxuuna ku jawaabay �Saddexdii Bishan (03-04-2010) ayay ahayd, Markii Barnaamijkaas la isla meel dhigay, Bisha june ayayna Insha allaahu ku egtahay intaa dhaxdeeda in la soo gabo gabeeyo ayay noqonaysaa�

 

 

Labada dhinac yaa u kala saxiixay Heshiiska Xabad joojinta ayaa Warfidiyeenadu weydiiyeen? Wuxuuna ku jawaabay� Waxaa joogay labada dhinac rag Madax ah oo ka socday Dhinacayga waxaa joogay Gudoomiyaha Golaha shuurada, dhinaca kale Hogaan ka socda xafiiska Arimaha Dibada ayaa joogay saasayna ku dhamaatay, waana barnaamij sidaan sheegay Hudana ah ama Xabad joojin ah, wada hadalka Miiska iyo Falaqeynta wuxuu ku xidhanyahay ama la iskugu imaan doonaa Xiliga uu Wakhtigaas dhamaado oo la isku soo diyaar garoobo ayaa Wufuud rasmi ah la shaqili doonaa iyada oo Cuqaasha dadka iyo Dalka iyo Umada oo dhan ay u idishahay oo laga tashaday..�

 

 

Ugu danbeyntii Sheekh Axmed Nashaad wuxuu sheegay in Kulamada labad dhinac dhex maray ay ka dhaceen Yurub iyo Afrikaba, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri �Duruufo jira wax walba in la sheego ma aha labo jeerba waa la is arkay meel yurub ah iyo Meel Afrika ahba waa la isku arkay, howlo fani ah waxaa iska jira dadkii Marti galinta sameeyay iyo saas oo kale in la sheego aan loo baahnayn�.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this