Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Somaliland Is Viewing Back the Way Reyaal was Cheesed Off From Lasano.

Recommended Posts

Foorjo Siyaasadeed Oo ka Timaadaa Laas-caanood Ma Galaafan Doontaa Xukuumada Rayaale ?

 

Feb 28 2005 Iyada oo dhegaha shacbiga Somaliland ay wali kasii guuxayso sidii foosha xumayd ee Madaxweyne Rayaale ay ula dhaqmeen reer Laas-caanood markii uu magaaladooda booqday taariikhdu markay ahayd 07.12.2002 ee ay Ciidamadii C/Laahi Yuusuf ay weerarka kala hor yimaadeen wafdiga madaxweyne Rayaale hogaaminayay, iyada oo ay wali muuqato in Xukuumada Somaliland ay ku fashilantay inay ilaa imika fuliso balanqaadyadeedii iyo baalaxooftayntii ay marar badan warbaahinta kala gadisan ka sheegtay inay xuduudaha bariga gaadhi doonto.

 

Ayaa waxaa muuqata in ay mar kale fadeexad siyaaso ay ka iman karto deegaanada Bari ee dalka gaar ahaan Magaalada Laas-caanood iyo sanaag bari meelo ka tirsan, iyada oo Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisal wasaarihiisu ay joogaan magaalada Garoowe oo qarka u saaran xuduuda Somaliland iyo Somaliya u dhaxaysa, lagana yaabo in wafdiga Cabdilaahi Yuusuf qaar ka mid ah ama isaga laftiisuba ay si fudud u booqan karaan Laas-caanood iyo qaybo ka mid ah sanaag bari, maadamaa ay xuduudu furan tahay, lagana warqabo in Xukuumada Somaliland ay ku curyaamisay in Ciidanka Somaliland aanay dhaafin magaalada Adhi-Cadeeye, taasoo u sahli karta Cabdilaahi Yuusuf inuu soo booqdo laascaanood, aduunkana u sheego inuu Waqooyi iyo Koonfurba ka taliyo .

 

Hadaba hadii ay arrintaasi dhacdo oo C/laahi Yuusuf ama Ra'iisal wasaarihiisu ay booqdaan goobo ka mid ah Somaliland, waxaan shaki ku jirin in ay arrintaasi noqon doonto foorjo siyaasadeed iyo fadeexad weyn oo soo waajahda Somaliland, waxaana ay noqon doontaa dambi ay Xukuumada Somaliland ka gashay Shacbiga iyo dalka oo aan sinnaba loo saamixi karin, taasoo soo gaabin karta, cimrri degdegna ku ridi doonta xukuumada uu Madaxweyne Rayaale madaxda ka yahay, iyada oo shacbiga Somaliland xaq u leeyahay inuu rido oo bedelo xukuumada ka baaqsata ilaalinta sharafta iyo heybada dalka, iyo difaaca qaranimada iyo karaamada qaranka sida ku cad Dastuurka dalka u degsan.

Dhinaca kale waxaa ayaan darro ah in Xukuumada Somaliland ay awoodeedii oo dhan isugu geysay iska caabinta xisbiga KULMIYE halkii ay uga hawl geli lahayd ilaalinta qaranka , difaaca dalka iyo u adeegida bulshada, waxaana nasiib darro ah tusaalena inoogu filan sida Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ugu indho beelay ka hadalka Baasaboorrada ay haystaan xubnaha xisbiyada mucaaridka ahi, halkii ay ka ahayd inuu toosiyo oo ku mashquulo danaha guud ee qaranka, sidoo kalana waxaa wax lala yaabo ah in Wasiirrada Somaliland qaarkood ay ku bu'aan ama ku goolaaftamaan car mudaharaad sameeya, halkii laga filayay inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran.

 

Hadaba waxaa la gudboon in Xukuumada Somaliland ay garawsato dayaca ka muuqda xuduudaha Bari ee Somaliland, isla markaasana ay xukuumadu dhinac uun u dhaqaajiso Ciidamadan furin ku sheegta jooga sanadaha badan geli darxumo jooga iyaga oo aan dagaal ku jirin, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in Xukuumada Somaliland iyo Masuuliyiinta talada haysaa ay yiqiinsadaan oo ay fahmaan inaanay xoog ku haysan dalka, laakiin talada loogu dhiibay inay dalka u hogaamiyaan si daacad ah, taasoo ay ma huraan tahay inay maanka ku hayaan inay xaaraan tahay in xukuumada iyo wasiirradeedu u dhaqmaan sidii dad laga cabsanayo oo xoog meesha ku jooga.

 

Ugu danbayn Xukuumada Somaliland waxaa ku waajib ah inay ka hor tagto in dad ka socda C/Laahi Yuusuf iyo kooxdiisu ay cag soo dhigaan Somaliland, waxaana ku waajib inay dagaal kala hor tagto cidii soo hunguraysa Somaliland, hadiise ay xukuumadu ka baaqsato inay difaacdo dalka iyo karaamada ummada somaliland, waxaan shaki ku jirin inaan Shacbiga Somaliland aqbali doonin inay arkaan ama ay maqlaan in wafdi ka socda dawlad C/laahi Yuusuf in ay booqasho ku yimaadaan ama cag soo dhiga dhulka Somaliland, hadii ay taasi dhacdana waxaa u furan dadweynaha Somaliland ee geesiyiinta ah iyo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo qof kasoo wadani ah inay Mudaaharaad aan kala joogsi lahayn dalka ka bilaabaan, kuna qasbaan in Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisu ay is casilaan, maadaama ay xukuumadu ka baaqsatay inay difaacdo Karaamada iyo Haybada Qaranka ee ilaalintooda uu Dastuurku waajibiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this