Sign in to follow this  
Deeq A.

WASIIRKA HAWLAHA GUUD XFS OO KULAN MUHIIM AH LA QAATAY DALLADDA SORECA

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Dalladda SORECA, oo ay ku mideysan yihiin shirkadaha dhismaha dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda, si loo horumariyo kaabayaasha dalka iyo magaalooyinka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo waxtar leh oo kor u qaada kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha.

Guddoomiyaha Guud ee Boorka Dalladda SORECA mudane Cabdirisaaq Cali Warsame ayaa Kulanka sharaxay doorka iyo muhiimadda ay Dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka, isagoona Wasaaradda ka dalbaday wada-shaqayn joogtaa .

Intii uu socday kulanku, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo wax ku ool ah, iyadoo xubnaha SORECA ay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo kaalintooda ku aaddan kobcinta magaalooyinka iyo horumarinta dhismaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la daahfuri doono mashaariic wadooyin muhiim u ah isku socodka iyo kaabayaasha dalka, kuwaas oo hadda maraya heer gabo-gabo ah.

Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah si loo gaaro horumar waara iyo kaabayaal tayo leh.

— DHAMMAAD —

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this