Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: “Xaalad Sharciyeed oo Khatar ah ayaa ka Taagan Hay’adaha Federaalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, kaddib shir ay maanta ku yeesheen caasimadda Garoowe.

Puntland ayaa si cad u sheegtay in ay waafaqsan tahay Dastuurka Federaalka, gaar ahaan qodobka 60-aad, kaas oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha Federaalka uu dhammaado.

Waxa ay tilmaantay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka April 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026, sida ku cad qodobka 91-aad ee dastuurka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adaha Federaalka ay hadda wajahaan xaalad hubanti la’aan sharciyeed, taas oo keeni karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni haddii aan xal degdeg ah la helin.

Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday Madaxweynaha Federaalka in uu badbaadiyo midnimada iyo wadajirka dalka, isla markaana uu qabto shir degdeg ah oo ay ka qayb galaan madaxda Dowlad Goboleedyada si loo gaaro heshiis ku saabsan qabsoomidda doorashooyin sharciyeysan.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa adkeysay in doorashooyinka dalka lagu qabto si waafaqsan dastuurka, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo saameeya xasilloonida Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this