Sign in to follow this  
QabiilDiid

African presidents have advised the top echelon of the TFG to relocate to Nairobi

Recommended Posts

They have to heel their masters’ advice.

 

Madax Afrikaan ah oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ka codsaday in ay isaga baxaan Magaalada Baydhabo

 

Axad, October 29, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madax Afrikaan ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Dalka Kenya Mr. Mwai Kibak ay dhawaantan la soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyagoo la la sheegay in ay ka codsadeen in ay isaga baxaan magaalada Baydhabo sababo dhinaca amniga ah.

 

 

Wararku waxay sheegayaan in madaxdaasi ay kula taliyeen mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka in ay si KMG ah u tagaan Magaalada Nairobi, isla markaana ay Magaalada Baydhabo kaga soo tagaan xubnaha kale ee Dowladda Federaalka iyo Ciidamadooda.

 

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa la sheegay in ay ku gacan seyreen codsigaas, iyagoo u sheegay mas’uuliyiinta la soo xiriirtay in ay ku adkeysanayaan sii joogitaanka magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dowladda Federaalka, isla markaana ay horkici doonaan dagaalka ay Ciidamadooda iskala soo horjeedaan kuwa Maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Arrintan ayay wararku sheegayaan in ay soo baxday kadib markii ay xoogagga Maxkamadaha Islaamigu wax yar u jirsadeen xarunta fariisinka u ah Dowladda Federaalka, iyadoo uu horayna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu sheegay Dhiggiisa dalka Kenya in ay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ku wada jiraan rag ay Maxkamadaha doonayaan in ay khaarijiyaan.

 

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa la soo wariyay in markii ay soo gaartay farriintan kadib uu saxaafadda u sheegay in ay Dowladda Federaalka ka guureyso Magaalada Baydhabo, balse halka ay u guureyso ay tahay Magaalada Muqdisho.

 

 

Dhinaca kalena magaalada Baydhabo ayaa la soo weriyay in ay weli ka socoto howl baaris ah oo lagu hayo qaraxii 18-kii September 2006 lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, taasoo ay baaristooda haatan ku lug yeesheen baarayaal caalami ah oo ay ku jiraan kuwo ka socda Dalka Mareykanka.

 

 

Horay waxaa magaalada Baydhabo, gaar ahaan halka uu qaraxa ka dhacay u booqday Saraakiil ka socotay Hay’adda Sirdoonka Britain ee MI6, kuwaasi oo sawirro ka qaatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaraxaasi oo xoogganaa uu ku dhaawacay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, sida uu madaxweynaha qudhiisa u sheegay TV-ga Nation ee xaruntiisu tahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, no one came against this government, no one told them to leave any where, no population wanted them out. It was all organised by the armed clans of Mogadishu, they organise marches, force wepon to hold guns and make silly claims as you do.

 

All we have is an axis of media hype and clan posturing. There is nothing else. An opposition to governance running out of excuses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this