Sign in to follow this  
ANWAR

Ciidamada Dowladda oo maanta la wareegay Saldhigaga Degmada hodan

Recommended Posts

ANWAR   

511.jpg

 

Ciidamada DKMG Somalia ayaa maanta ku sii siqay qay goobo hor leh oo ka tirsan degmada hodon ka dib weeraro ay Maleyshiyaadka kooxaha shabaab iyo xisbul islaam kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamadu ku leeyiihiin goobihii ay dhawaan la wareegeen.

 

Kadib weeraro ay saakay maleeshiyada kooxaha shabaab iyo kuwa xisbiga ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamda dowlada KMG soomaaliya ku leeyihiin dagmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan goobihii ay ciidamdu dhawaan kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda shabab ayaa ciidamadu waxaa u suurtagashay maanta in goobo hor leh ay gacanta ku dhigaan kuwaasoo ay kamid yihiin saldhigga dagmada hodan iyo goobo kale oo ay maleeshiyaadku horay ugu sugnaayeen .

 

Dhame c/qaadir c/laahi xuseen oo kamid ah saraakiisha ciidamda dowlada ee ku sugan aagaga hore ee dagaalka degmada hodan ayaa sheegay in maleeshiyadka kooxaha Shabaab iyo kuwa xisbiga oo isgarabsanaya ay dhowr mar isku dayeen weeraro ay ku soo qaadan fariisimada ciidamda hase yeeshee waxa uu tilmaamay in ay ciidamada jilbaha u aasteen islamrkaana ay ka hortageen damacii liitay ee kooxahaasi ay ku doonayeen in goobaha ciidamdu la wareegaan .

 

Waxa uu sarkaalku intaa ku daray in fariisimo badan ay kala wareegeen kuwaas oo ay ka mdi ahaayeen saldhigga degmada hodan iyo goobo kale oo ay kooxahaasi dadka ku dhibaatayn jireen waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamadu ay diyaar u yihiin in ay gaashaanka u daruuraan wareerar walbo oo kaga yimaada kooxaha calooshood u shaqaystayaasha ee shabab iyo kuwa la Magac baxay baxay xisbiga si dhibaatada looga qaado Shacbiga Soomaaliyeed.

 

Dhowaan ayey ahayd markii ciidamda dowlada KMG soomaaliya ay la wareegeen fariisimo ay horay ugu sugnaayeen kooxaha dowlada ka soo horjeeda kuwaas oo ay ka mdi ahaayeen tarabuunka, xero ruush iyo Isbitaalkii xoogga dalka kuwaasoo kamid ah Goobaha lagu dhibaateeyo Shacbiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this