Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maxaa sababay dhaqdhaqaaqyada cusub ee Daacish?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000148755.jpg

Maalmihii u dambeeyay waxaa la soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro ay sameeyeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Dhowr tallaabo oo ay qaaday Puntland ayaa loo sababaynayaa in ay Daacish u fududaysay in ay buuraha Calmiskaad ka sameeyaan dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro cusub.

Puntland waxay buuraha Calmiskaad iyo goobaha lagu tuhunsan yahay in ay kooxda Daacish saldhigyo ku leeyihiin u fasaxday dadka reer guuraaga ah, taas oo sababtay in kooxdaas ay fursad u helaan in ay ku dhex-dhuuntaan reer miyiga iyo in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Fursada kale ee Daacish heshay waa in Puntland ay buuraha Calmiskaad ka soo dejisay ciidamadii ugu adkaa ee ka dagaalamay Calmiskaad, kuwaas oo hadda qaarkood ku sugan yihiin magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Puntland waxay bilo ka hor ciidan cusub geysay buuraha Calmiskaad, iyada oo joojisay dagaalkii ka fool ka fool ka ahaa, taas oo keentay in wejiga dagaalka uu is baddelo, islamarkaana kooxda Daacish hesho nefis iyo fursado ay ku dhaqdhaqaaqi karaan.

Kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad oo awooddii la wiiqay sanadkii la soo dhaafay ee 2025 ayaa dhaqdhaqaaqyo cusub ee ay wadaan loo arkaa mid ay ku doonayaan in ay dib isugu soo abaabulaan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this