Deeq A. Posted Wednesday at 12:22 PM Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya loo magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magaacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud” ayaa lagu yiri qoraalka. Xilka qaadista Taliye Shub waxay la xiriirtaa xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ee u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites