Deeq A. Posted yesterday at 08:48 AM Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka taagan buuq iyo dibadbaxyo xooggan oo ay samaynayaan ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii ganacsatada lagu amray inay ka guuraan goobihii ay ku ganacsanayeen, taas oo keentay in dadku ay isugu soo baxaan waddooyinka iyagoo muujinaya caradooda. Ganacsatada ayaa ku doodaya in dhulkaas uu yahay hanti ay iyagu leeyihiin, balse hadda loo adeegsanayo magac dowladeed si looga barakiciyo. Waxay sheegeen in cabashooyin dhowr ah ay u gudbiyeen hay’adaha ay khuseyso, balse aan ilaa hadda waxba laga qaban dhibaatada ay tirsanayaan. Inkastoo ay ganacsatadu shalay ka hadleen arrintan, haddana dhanka dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama soo bixin oo ku aadan amarka bixitaanka iyo cabashada dadka. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo saameyn weyn ay ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa ugu weyn dalka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites