Sign in to follow this  
Deeq A.

​DEG DEG: Isbeddel lagu sameeyay Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

​Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ururka 154-aad ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Afeey).

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah qorsheyaasha kor loogu qaadayo hufnaanta iyo hoggaanka ciidanka ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.

​Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla xilkaas u magacowday Taliyaha cusub ee Ururka 154-aad, Mudane Mursal Cali Maxamed. Taliyaha cusub ayaa horay ugu soo shaqeeyay isla ururkan isagoo ahaa Abaanduulihii ururka, taas oo la filayo inay sahasho sii socoshada howlgalada ammaan ee ka socda gobolka.

​Ururka 154-aad ayaa fariisin rasmi ah ku leh degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this