Deeq A. Posted 20 hours ago Warbaahinta Al Jazeera ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka ay dalbatay xabad joojin lala galo Iiraan, iyadoo fariintan loo sii marsiiyay dowladda Pakistan. Sida ay Al Jazeera u xaqiijiyeen ilo sare oo ka tirsan Islamabad, dukumenti rasmi ah oo ka yimid maamulka Donald Trump ayaa la gaarsiiyay mas’uuliyiinta Iiraan, kaas oo xambaarsan codsi ku saabsan xabad joojin. Dowladda Pakistan ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadatay gudbinta farriintan, iyadoo xiriir dhow la leh labada dhinac. Wararka ayaa intaas ku daraya in weli la sugayo jawaabta rasmiga ah ee Iiraan, taasoo go’aamin karta jihada xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka. Arrintan ayaa imaneysa xilli xiisaddu ay sare u kacday, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, loogana hortago isku dhac ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay soo baxdo saacadaha ama maalmaha soo socda, marka ay Iiraan ka jawaabto dalabka xabad joojinta ee ka yimid Mareykanka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites