Deeq A. Posted 20 hours ago Xoghayaha Guud ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu xisbiga u hayay iyo xubinnimadiisaba, isagoo go’aankan u sababeeyay kala aragti duwanaansho qotodheer oo muddo dheer kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Mas’uulkan ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay in khilaafku salka ku hayo hannaanka maamulka dalka, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu talada dalka iyo tan xisbigaba ka dhigay mid isaga kaliya ku kooban, isla markaana uu diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan kiisa ama uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed iyo hay’adaha dowladda. Waxa uu sidoo kale si adag uga hadlay arrimaha masiiriga ah ee dalka, isagoo xusay inuu isku dayay inuu Madaxweynaha ka qabto hannaanka loo marayo wax-ka-beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay mid kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed, wiiqayana mabaadi’ida federaalka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu ka horyimid nidaamka doorashooyinka oo uu sheegay in Madaxweynuhu ku adkeystay qaab uu isagu natiijadiisa xakameyn karo, halkii laga dooran lahaa nidaam ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadda si looga baaqsado colaad iyo burbur bulsho. Xoghayaha is-casilay ayaa intaas ku daray inuu ka soo horjeestay siyaasadda lagu wiiqayo dowlad-goboleedyada dalka oo uu u arko aasaaska nidaamka federaalka, wuxuuna si gaar ah u cambaareeyay xannibaadda safar ee loo geysto xildhibaannada qaranka, taas oo uu ku sifeeyay gaboodfal sharci iyo ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka. Gebagebadii, mas’uulkan ayaa shaaca ka qaaday inuu maanta wixii ka dambeeya qaadan doono jiho siyaasadeed oo cusub, isagoo guntiga u xiran doona inuu bahwadaag la noqdo cid kasta oo ay ka midoobi karno ilaalinta midnimada iyo Soomaalinimada. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites