Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Soomaaliyeed oo Taariikh ka Sameeyay Tartanka Caalamiga ah ee Willem  Hong Kong

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba arday oo Soomaaliyeed oo dhigta sharciga ayaa taariikh sameeyay kadib markii ay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee ka socota dalka oo ka qayb gasha tartan caalami ah oo ku saabsan garsoorka ganacsiga (arbitration) oo lagu qabtay Hong Kong.

Ardaydan oo ka socotay Jaamacadda  Muqdisho  ayaa ka qayb galay tartanka Willem C. Vis East International Commercial Arbitration Moot oo socday 15 ilaa 22 Maarso. Tani waxay noqotay markii ugu horreysay ee Soomaaliya si rasmi ah uga soo muuqato tartankan heer caalami.

Kooxda ayaa ka koobneyd Samira Yusuf iyo Sabirin Elmi, kuwaas oo ku tartamay qorista doodaha sharciyeed iyo jeedinta dood afka ah ee ku saabsan khilaafaadka ganacsiga caalamiga ah. Tartankan ayaa sanad walba soo jiita jaamacado badan iyo kumannaan arday oo ka kala yimaada dalal kala duwan.

Ka qaybgalka ardaydan wuxuu Soomaaliya geliyay fagaaraha caalamiga ah ee tartamada sharciga, wuxuuna muujinayaa horumar laga sameynayo tayada waxbarashada sare ee dalka, gaar ahaan dhinaca sharciga.

Sidoo kale, ardaydu waxay heleen khibrad qiimo leh oo ku saabsan arrimaha sharci ee dalal kala duwan ka dhexeeya, waxayna la kulmeen arday iyo khubaro ka kala yimid meelo badan oo caalamka ah arrin muhiim u ah kobcinta xirfadaha qareennimo ee mustaqbalka.

Guushan waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo muujineysa horumar ka socda nidaamka waxbarashada Soomaaliya, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee qaybta sharciga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this