Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo sheegtay in ay ka fiirsanayso wada-hadal ay gasho Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay dib u eegis ku samaynayso soo jeedin uu Maraykanku u gudbiyay si loo soo afjaro dagaalka ka socda gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay jirin wada-hadal toos ah oo u dhexeeya labada dal.

Wareysi laga sii daayay telefishinka dowladda ayuu Araqchi ku sheegay in fariimaha ay dhex-dhexaadiyeyaashu labada dhinac u kala gudbinayaan aysan micnahoodu ahayn wada-hadal rasmi ah ama wada-xaajood.

“Fariimaha dhexdhexaadiyeyaasha looma aqoonsan karo wada-xaajood ama wada-hadal toos ah,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaa ku daray in soo jeedinta Maraykanka loo gudbiyay madaxda ugu sarreysa ee Tehran si ay go’aan uga gaaraan.

Hadalladan ayaa muujinaya in inkastoo ay jirto suurtagalnimada xal diblomaasiyadeed, Iiraan ay wali ka cago jiidayso inay si toos ah ula fariisato Maraykanka, gaar ahaan iyadoo xiisadaha gobolka ay weli taagan yihiin.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Maraykanku uu soo jeedintiisa ku gudbiyay marinnada diblomaasiyadeed ee dadban, iyadoo la raadinayo waddo lagu dejiyo colaadda sii fidaysa ee Bariga Dhexe.

Dowladda Iiraan ayaa hore u sheegtay in aysan oggolaan doonin wax wada-xaajood ah oo ku yimaada cadaadis ama hanjabaad, taas oo sii adkaynaysa dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this