Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Iran ay weerareyso Ingiriiska?

Recommended Posts

Deeq A.   

51d77cc4-94ba-4a13-9b23-b10c16535fed.jpgRaysal wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay inaysan jirin “wax caddayn ah” oo muujinaya in Iiraan ay damacsan tahay inay weerarto Britain.

Markii la weydiiyay in UK ay ku sugan tahay aagga bartilmaameedka Iiraan ka dib weerarkii gantaalka ee jasiiradda Diego Garcia, Starmer wuxuu yiri dowladdu “had iyo jeer way hubisaa si ay u ilaaliso amnigeeda mana jirto wax caddayn ah oo muujinaya in Iiraan ay damacsan tahay inay weerarto.”

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la yareeyo xiisadaha taagan, isagoo sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo danaha iyo nolosha Ingiriiska “iyadoon la gelin dagaal.”

Iiraan weli jawaab rasmi ah kama bixin wararka sheegaya in gantaallo lagu weeraray Diego Garcia.

Diego Garcia waxay hoy u tahay saldhig milatari oo ay wadaagaan Ingiriiska iyo Maraykanka, taas oo ka mamnuuc ah qof kasta oo rayid ah.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa horey u sheegtay in saldhigan ay gaari karaan “gantaalada riddada dhexe ee Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.

Masaafada garoonka diyaaradaha ee ugu dhow ee u dhaxaysa Iiraan iyo London waa in ka badan 4,300 oo kiiloomitir.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this