Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada 3 maamul goboleed oo kulamo isbaheysi lagu dhisayo ka wada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
BF-DALKA.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo matala Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa shirar siyaasadeed ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulamadaas diiradda lagu saarayo mideynta mowqifyada siyaasadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa mudaneyaasha saddexda maamul, oo dagaal siyaasadeed kula jira dowladda federaalka.

Wararka laga helayo xildhibaannada ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in shirka lagu falanqeynayo xaaladda guud ee dalka, khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo gaar ahaan xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, kulamadan ayaa la filayaa in lagu gorfeynayo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, isla markaana loo dhiso iskaashi siyaasadeed oo mustaqbalka sii socda.

Mid ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sababta kulamadan loogu qabanayo Nairobi ay la xiriirto duruufaha siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

“Maadaama caasimaddii la isku dhibaataynayo, oo na laga horjoogsaday inaan u safarno deegaan doorashooyinkeenii, waxaan doorbidnay inaan dalalka deriska ku shirno kana hadalno xaaladda dalka,” ayuu yiri xildhibaankaasi.

Kulamadan Nairobi ayaa ku soo beegmayaa xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddellada dastuurka.

Xiisadda ayaa ka sii dartay kadib isku dhacii dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed. Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay hakisay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii ay la lahayd dowladda federaalka, taas oo muujisay heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in dalka uu galay marxalad cusub oo ku wajahan doorashooyin qof iyo cod ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku shaacisay in dalka uu galayo marxalad doorasho oo cusub, taas oo lagu tilmaamay mid loo dhan yahay oo daahfuran.

Wasaaradda ayaa sheegtay in geeddi-socodkan doorasho uu ku saleysan yahay shuruucda dalka, isla markaana la doonayo in lagu xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay si siman uga qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hoosta ka xariiqday in doorashooyinka la qaban doono ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah, oo waafaqsan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Si kastaba qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa muujinaya shaki iyo walaac ku saabsan habka loo wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in haddii kulamada Nairobi ay soo saaraan mowqif mideysan, uu saameyn ku yeelan karo doodaha ka socda Muqdisho ee ku saabsan doorashooyinka 2026, qaabka federaalka, iyo mustaqbalka wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

The post Xildhibaanada 3 maamul goboleed oo kulamo isbaheysi lagu dhisayo ka wada Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this