Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo baaq nabadeed u diray Al-shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1000147269.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidiyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyay hadal ku saabsan musaabadda Ciidul-Fidriga ayaa yiri “waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururada Al-shabaab iyo Daacish”.

“Waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo noqdaan waddada khaldan ee ay ku habaabeen, una soo noqdaan bushada Soomaaliyeed ee ka mid yihiin” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha amniga iyo garsoorka in ay soo dhameystiraan habraaca fulinta cafiskan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay soo dhaweynta dhalinyaradaas iyo in ay u abuurto mustaqbal wanaagsan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this