Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Iiraan oo Maraykanka ku khasbay in difaaciisa kasoo raro dal saaxiib la ah iyo cadho ka dhalatay

Recommended Posts

Deeq A.   

447882a0-1dc4-11f1-9120-a910fc22c6ac.png

Maraykanku waxa laga yaabaa inay qaar ka mid ah nidaamkiisa difaaca gantaallada u rarto meel kale arrintanina waxay dhalisay walaac ka jira dalka Kuuriyada Koonfureed.

Maraykanka ayaa dib u raraya qaybo ka mid ah nidaamka difaaca gantaallada ee lagu rakibay Kuuriyada Koonfureed si loogu wareejiyo Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil ay soo xigteen wargeyska Washington Post iyo warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Tallaabadan la sheegay ayaa timid 12 maalmood kadib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhan ah Iiraan, waxayna daba socotaa warar sheegaya in Iiraan ay burburisay raadaar muhiim ah oo ka tirsan nidaamka difaaca gantaallada ee loo yaqaan Terminal High-Altitude Area Defense, ama Thaad, kaas oo yaallay Urdun.

Nidaamka Thaad waxaa markii ugu horreysay lagu rakibay Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2017 si looga ilaaliyo khataraha ka imanaya Kuuriyada Waqooyi oo hub nukliyeer leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this