Sign in to follow this  
Deeq A.

Jasiirado haddii aad guri ka iibsato ku siinaya baasaboor aad ku mari karto adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jasiirado haddii aad guri ka iibsato ku siinaya baasaboor aad ku mari karto adduunka

Rogrog oo eeg guryaha iibka ah ee ku yaalla Bariga Kariibiyaanka mana aha keliya xeebo indho-daraandar ah iyo nolol qurux badan oo lagu soo jiidanayo dadka iibsanaya.

Xayeysiinno badan oo guryaha ah ayaa waxaa ku jira in sidoo kale dadka baasaboor la siirnayo – siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee aan degganeyn ee Mareykanka ayaa sidoo kale sare usii qaadaya daneynta badan ee loo qabo arrintan.

Shan ka mid ah jasiiradaha ku yaalla bariga – waa Antigua iyo Barbuda, Dominica, Grenada, St Kitts iyo Nevis, iyo St Lucia – ayaa bixinaya dhalashada haddii aad ku maalgashato lacag yar sida $200,000 (£145,000).

Iibso guri, waxaadna sidoo kale heleysaa baasaboor kuu suurto-gelinaya inaad fiiso la’aan ku gasho ilaa 150 dal oo ay ku jiraan UK iyo dalalka Yurub ee Schengen la isku yiraahdo.

Dadka qaniga ah, waxay aad uga sii helaan canshuur la’aanta jasiiradahan. Dhammaanna jasiiradahan waxay dadka guryaha iibsanaya u oggol yihiin inay sii heystaan dhalashadoodii hore.Faahfaahunta halkan ka akhri

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this