Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo burburtay iyo askar ku dhimatay

Recommended Posts

Deeq A.   
KC-135.webp?fit=1280%2C770&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in mid ka mid ah diyaaradaheeda ay ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq, xilli uu socdo dagaalka wadajirka ah ee ay iyaga iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay inay afar xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaarad nooca shidaalka lagu shubo oo ahaa askar ay ku dhinteen, kadib markii diyaaraddaas oo ah nooca KC-135 ay Khamiistii ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq.

Warbixinta ka soo baxday taliska ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen lix qof, iyadoo weli ay socdaan dedaallo gurmad ah oo lagu baadi-goobayo inta dhiman.

Qoraalka kasok baxay Taliska Dhexe ayaa lagu caddeeyay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay masiibadan, balse ay meesha ka saareen in diyaaradda lagu soo riday weerar cadaw ama ay ku dhacday rasaas qaldan oo ay fureen ciidammada xulafada ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in shilkan uu yimid kadib markii ay hawada ku isku dhaceen laba diyaaradood. Saraakiil u hadlay dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaraddii labaad, oo iyaduna ahayd nooca KC-135, ay si nabad ah ku degtay ka dib dhacdadaas.

Khasaarahan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay horey u jireen todobo askari oo Mareykan ah oo lagu dilay dagaalka hadda ka socda gobolka, halka ku dhowaad 150 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo bilowgii colaadda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Iska-caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq (Islamic Resistance in Iraq) ayaa sheegatay mas’uuliyadda soo ridka diyaaradda, iyagoo ku dhawaaqay inay ku soo rideen diyaarad nooceedu yahay KC-135 oo uu leeyahay Mareykanka galbeedka Ciraaq, iyagoo adeegsanaya “hub ku habboon.”

Khasaaraha iyo shilalkii hore ee dagaalka

Ka hor shilkan diyaaradeed, milatariga Mareykanka ayaa soo wariyay in toddoba xubnood oo ka tirsan ciidamada ay ku dhinteen ololaha milatari ee socda, halka mid siddeedaadna uu ku dhintay dalka Kuweyt sababo la xiriira “xaalad caafimaad” intii lagu guda jiray xaalad degdeg ah oo caafimaad.

Guud ahaan, 140 kale ayaa la dhaawacay.

Afhayeenka Waaxda Difaaca (Pentagon), Sean Parnell ayaa sheegay in siddeed ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Shilkan dhacay Khamiistii ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ku yimaada milatariga Mareykanka tan iyo markii ay bilaabeen hawlgallada ka dhanka ah Iiraan 28-kii Febraayo.

Waxaa horay u dhacday in saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah la soo riday, taas oo loo maleynayo inay ahayd rasaas saaxiib 1-dii Maarso, maalin un ka dib markii uu dagaalku bilowday.

CENTCOM ayaa sharaxday in diyaaradahaas oo ahaa saddex F-15E Strike Eagles ay “si qalad ah u soo rideen nidaamyada difaaca hawada ee Kuweyt” intii lagu guda jiray xaalad dagaal oo firfircoon, xilli Iiraan ay qaadday weerarro aargudasho ah oo ku baahsan inta badan Bariga Dhexe.

Shilkaas dhexdiisa, lixdii shaqaale ee saarnaa diyaaradaha ayaa si nabad ah uga booday, waxaana la soo badbaadiyay iyagoo xaaladoodu deggan tahay.

Ra’yiga dadweynaha oo diiddan dagaalka

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa diidmo kala kulmaya shacabka Mareykanka, iyadoo ra’yi-ururinadu muujinayaan inuu yahay iska horimaadkii ugu horreeyay ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay oo la kulma diidmo tan iyo bilowgiisii.

Sahan la daabacay 9-kii Maarso oo ay samaysay Jaamacadda Quinnipiac ayaa muujiyay in 53% codbixiyeyaasha ay diiddan yihiin gulufka milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Qayb intaas ka sii badan oo ah 74%, ayaa diiday fikradda ah in la bilaabo hawlgallo dhulka ah oo ciidamo Mareykan ah la geeyo goobaha dagaalka (boots on the ground).

Natiijooyinkaas waxaa xoojiyay ra’yi-ururino kale. Shirkadda cilmi-baarista Ipsos ayaa ogaatay in aqlabiyadda Mareykanka la wareystay, oo ah 43%, aysan oggolaan duqeymaha Mareykanka, taas oo aad uga badan boqolkiiba 29-ka taageeray. Inta hartay waxay muujiyeen hubanti la’aan.

Khilaafka siyaasadeed iyo sababaha maamulka

Dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa khilaaf ka dhex abuuray xitaa taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump, kaas oo marar badan ku difaacay weerarka milatari inuu lagama maarmaan u yahay ammaanka qaranka Mareykanka.

Shakhsiyaadka caanka ah ee muxaafidka ah, sida soo-jeediyaha barnaamijyada Tucker Carlson, ayaa su’aal geliyay sababtaas. Carlson ayaa xitaa soo jeediyay in laga yaabo in la-taliyeyaashiisu ay habaabiyeen Trump.

“Waxaa loo tusayaa ra’yi-ururino sheegaya in dagaalkani uu isaga u yahay guul u dhiganta 90-10,” ayuu Carlson ka yiri Trump. Wareysi uu siiyay ABC News, Carlson wuxuu gaaray heer uu dagaalka ku tilmaamo mid “gebi ahaanba ah wax laga yaqyaqsado iyo shar.”

Trump ayaa uga jawaabay isagoo iska fogeeyay naqdiyayaashiisa, xitaa kuwa sida Carlson oo kale, kuwaas oo isu arka inay ka mid yihiin dhaq-dhaqaaqiisa “Make America Great Again” (MAGA).

“MAGA waa ‘America First’, Tucker-na midna ma aha waxyaabahaas,” ayuu Trump u sheegay ABC News.

Si kastaba, maamulka madaxweyne Trump ayaa ku dhibtooday inuu shacabka ka dhaadhiciyo ujeedada dagaalka, isagoo soo xiganaya sababo kala duwan oo ku aaddan sababta ay hawlgallada milatari u ahaayeen kuwa lagama maarmaan ah.

Fagaare uu ka soo muuqday, Trump wuxuu ka digay in “dagaal nukliyeer ah” uu qarxi lahaa haddii aan Iiraan laga hortagin.

Dhacdo kale, wuxuu ku dooday in wada-hadaladii lala yeeshay Iiraan ee lagu dhimayay barnaamijkeeda nukliyeerka ay noqdeen kuwo aan miro dhalin, inkastoo mas’uuliyiintu ay si isdaba-joog ah u sheegeen inay qarka u saarnaayeen inay heshiis gaaraan.

Horraantii bishan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa soo jeediyay in weerarka Mareykanka la qaaday sababtoo ah “waxaan ogayn inuu jiri doono tallaabo dhanka Israa’iil ah” oo ka dhan ah Iiraan, inkastoo markii dambe uu dib uga noqday hadalladaas.

Khasaaraha guud

Marka laga soo tago toddobada xubnood ee dhintay ee milatariga Mareykanka, qiyaastii 1,348 Iiraaniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalku, iyo sidoo kale 15 u dhashay Israa’iil.

Sidoo kale, 17 qof ayaa ku dhintay waddamada Khaliijka ee u dhow, iyadoo rabshaduhu ay ku sii baahayaan gobolka.

The post Diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo burburtay iyo askar ku dhimatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this