Deeq A. Posted 18 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Buundada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qayb ka mid ah ku duntay gaari xamuul ah oo dul marayay. Buundadan oo dib u dhis lagu sameeyay sannadkii hore ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray 6-dii December 2025, hase yeeshee maanta ayaa la sheegay in ay duntay xilli uu dul marayay gaari nooca TM-ka ah oo ka mid ah kuwa xamuulka qaada. Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu gaaray bartamaha buundada markii ay si lama filaan ah u duntay qayb ka mid ah. Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare naf oo ka dhashay dhacdadan. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo ku sugan bartamaha buundada xilli ay qayb ka mid ah dhismaheedu duntay, taasoo keentay in gebi ahaanba uu hakad galo isu socodkii gaadiidka iyo dadka ee labada dhinac ee deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka isticmaala buundada, maadaama ay ahayd marin muhiim ah oo isku xira labada dhinac ee Sabiid iyo Caanoole. Dhacdadan ayaa sidoo kale sababtay in xayirmaan gaadiidkii iyo dadkii isticmaali jiray waddadan, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin tayada dhismaha buundada oo dhawaan la dhisay. Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin burburka buundadan, waxaana la sugayaa faah-faahin rasmi ah oo ay ka bixiyaan mas’uuliyiinta ay khuseyso. Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan oo ka dhex taagan bulshada, kuwaas oo su’aalo ka keenay sababta ay buundo dhawaan dib loo dhisay ay u duntay muddo kooban kadib xarig-jarkeeda. The post Sawirro: Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites