Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraakiib dagaal oo kusoo wajahan Soomaaliya + Dalka soo diray iyo ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Markab.jpeg?fit=2000%2C1333&ssl=1

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa biyaha Soomaaliya u soo dirtay afar markab oo dagaal, kuwaas oo loogu talagalay ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudub kasta oo ka dhici kara xeebaha Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa wuxuu qayb ka yahay dadaallada Ankara ay ku xoojinayso amniga badda Soomaaliya iyo kan gobolka, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk.

Maraakiibtan dagaal ayaa lagu kala magacaabaa TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Sida la qorsheeyay, maraakiibtan ayaa la filayaa inay soo gaaraan biyaha Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan Isniinta toddobaadka soo socda, si ay u bilaabaan howlgallo amni oo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada ka socda badda.

Howl-galkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid muhiim u ah xoojinta amniga badda Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira budhcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee amniga khatar gelin kara.

Dowladda Turkiga ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda ciidanka badda.

Sidoo kale, Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray markab loogu talagalay sahminta iyo baarista shidaalka badda ku jira, kaas oo ka shaqeynayay meelaha sahminta laga bilaabay sanadkii 2024. Tallaabadaasi waxay qayb ka ahayd iskaashiga dhinaca tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee u dhexeeya labada dal.

Maraakiibta cusub ee imaanaya ayaa waxaa la shaqeyn doona ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada Soomaaliyeed ee ku biiraya howlgalka.

Waxaa la filayaa in ciidamadan ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada badda Turkiga si loo xaqiijiyo fulinta howlgalka.

Mas’uuliyiin kala duwan iyo warbaahinta caalamiga ah oo sidoo kale xaqiijiyay xogtan ayaa tilmaamay in howl-galkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga badda Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka ku jira xeebaha dalka.

Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray in ka badan toban markab oo dagaal iyo kuwo taageero ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay howlgallo kala duwan oo la xiriira tababarka, ilaalinta amniga badda iyo la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqan militari ee Ankara ka waddo Soomaaliya ayaa muujinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo in ay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo kheyraadka ku jira.

The post Maraakiib dagaal oo kusoo wajahan Soomaaliya + Dalka soo diray iyo ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this