Deeq A. Posted 15 hours ago Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa qabtay farriimo isgaarsiineed oo sir ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka yimaadeen dalka Iiraan. Farriimahan ayaa la sheegay in ay noqon karaan “fure hawlgaleed” oo lagu kicinayo “unugyo hurda” (sleeper assets) oo ku sugan meelo ka baxsan dalkaas, sida lagu xusay digniin ka soo baxday dowladda federaalka oo loo diray hay’adaha fulinta sharciga. Digniintan oo ay dib-u-eegis ku sameysay shabakadda wararka ee ABC News, ayaa soo xiganaysa “falanqayn horudhac ah oo lagu sameeyay ishaarooyinka,” taasoo muujinaysa in farriintu “ay u badan tahay mid ka timid Iiraan,” isla markaana la sii marsiiyay dalal dhowr ah wax yar uun kaddib dhimashadii Aayatullaahi Cali Khumeyni. Khumeyni oo ahaa hogaamiyihii ugu sarreeyay Iiraan, ayaa lagu dilay weerar ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Israa’iil 28-kii Febraayo. Farriimahan la dhexgalay ayaa ahaa kuwo koodaysan (sir ah), waxayna u muuqdeen kuwo ku socday “qaateyaal qarsoon” oo haysta furihii lagu furi lahaa sirtaas. Tani waa nooc ka mid ah farriimaha loogu talagalay in amarro iyo tilmaamo lagu siiyo “hawlwadeeno qarsoon ama unugyo hurda,” iyada oo aan la isticmaalin aaladaha internet-ka ama shabakadaha isgaarsiinta ee taleefannada gacanta. “Waxaa suurtagal ah in farriimahan loola jeedo in lagu hawlgeliyo ama tilmaamo lagu siiyo unugyada hurday ee horay loo sii diyaariyay, kuwaas oo ka hawlgala meelo ka baxsan dalkii ay farriintu ka soo bilaabatay,” ayaa lagu yiri digniinta. Inkasta oo xilligan aan la xaqiijin karin waxa dhabta ah ee ku dhex jira farriimahan, soo bixitaanka kediska ah ee saldhig cusub oo leh astaamaha dib-u-tebinta caalamiga ah ayaa keenaya in kor loo qaado feejignaanta xaaladeed,” ayay raacisay digniintu. Iyadoo digniintu ay si taxaddar leh u xusayso in aysan jirin “khatar hawlgal oo si toos ah loola xiriiriyay goob gaar ah,” haddana waxay faraysaa hay’adaha fulinta sharciga in ay kordhiyaan la socodkooda dhaq-dhaqaaqyada hirarka raadiyaha (radio-frequency) ee shakiga dhallin kara. Haddii xogta ku xusan digniintan ay dhab noqoto, waxay xaqiijin doontaa cabsidii ay hore u muujiyeen saraakiisha hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga, kaddib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan, taas oo ahayd in unugyada hurda ee la soo dhoobay daafaha waddamada Reer Galbeedka loo adeegsan karo hawlgalo aargoosi ah. The post Iiraan oo kicisay unugyada qarsoon ee u jooga Mareykanka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites