Deeq A. Posted 10 hours ago Charleston (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcaha shaacisay inay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga macdanta muhiimka ah (critical minerals) la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole weyn oo ay Muqdisho ku doonayso inay dalka ku soo jiidato raasamaal iyo khibrad farsamo oo Mareykan ah, si loo horumariyo waaxdan oo ay u aragto mid udub-dhexaad u ah kobaca dhaqaalaha ee mustaqbalka. Heshiiskan cusub ayaa daboolaya hawlo isugu jira baarista, soo-saarista, sifeynta iyo kordhinta tayada iyo qiimaha macdanta muhiimka ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya, halka Kris Warner, oo ah xoghayaha arrimaha dibedda West Virginia uu u matalayay dhanka Mareykanka, munaasabad ka dhacday magaalada Charleston. Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa waxaa halkaas ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Senate-ka ahna Ku-simaha Barasaabka gobolkaas, Randy Smith. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa xusay in heshiiskani uusan ku koobnayn oo keliya helitaanka qalabka ceyriin, balse ujeedka ugu weyni uu yahay wixii laga dhisi lahaa hareerihiisa. Is-afgaradkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero is-dhaafsiga teknoolajiyada, dhisidda awoodda xirfadeed ee shaqaalaha, iyo sameynta kaabayaal dhaqaale oo macdanta lagu sifeeyo gudaha dalka. Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa imanaysa waxyar uun kadib markii 4-tii bishan Maarso ay magaalada Muqdisho ka dhaceen wada-hadalladii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Kulankaas oo diiradda lagu saaray macdanta muhiimka ah, shidaalka iyo gaaska, ayaa labada dhinacba ay isku raaceen in la sameeyo guddiyo farsamo oo wadajir ah. Sidoo kale, saxiixan ayaa daba-socda ansixintii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay bishii Ogosto ee sanadkii 2025 ku meel-mariyeen sharciga macdanta, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la abuuro qaab-dhismeed sharci oo hufan. Waqtiga uu heshiiskan ku soo beegmay ayaa sidoo kale xambaarsan weji siyaasad-juquraafiyeed (geopolitical) oo aad u xasaasi ah. Dabayaaqadii bishii Febraayo, mas’uuliyiinta maamulka gooni-isu-taagga raadinaya ee Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka siiyaan fursad ay ku helaan macdanta iyo saldhigyo milatari, si beddelkeeda loo aqoonsado. Arrintaas ayaa waxaa xigay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay iyaduna si gooni ah xukuumadda Washington ugu yaboohday in ay gacan ka siiso helitaanka dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo macdanta muhiimka ah. Tani waxay si cad u muujinaysaa sida diblomaasiyadda kheyraadka dabiiciga ah iyo loolanka amnigu ay si xawli ah isugu milmeen gobolka Geeska Afrika. Waxay sidoo kale tani qeyb ka tahay loolan weyn oo caalami ah oo ujeedkiisu yahay in la kala duwoo silsiladaha saadka ee macdanta muhiimka ah, si looga weecdo suuq ay haatan in muddo ah gacanta ku hayeen tiro yar oo waddamo ah oo soo saara, sifeeyana macdantaas. Dowladda Soomaaliya ayaa fariin cad dirtay oo ah in iskaashi kasta oo mustaqbalka la galayo uusan ku ekaan doonin oo keliya qodista macdanta, balse uu noqdo mid dalka ku reeba faa’iidada ugu badan isagoo loo marayo warshadayn iyo dhismo kaabayaal dhaqaale. Soomaaliya ahaan, heshiiskan ayaa ka turjumaya olole ballaaran oo lagu doonayo in caalamka loo tuso in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah la hoos geyn karo nidaam maalgashi iyo maamul-wanaag oo rasmi ah, kadib sanado badan oo amni-darro, kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo nidaam daciif ah ay curyaamiyeen kobacii waaxdan. Inkastoo aan weli la hubin in is-afgaradka gobolka West Virginia uu si dhaqso ah isugu beddeli doono mashaariic dhab ah iyo maalgelin toos ah, haddana tallaabadani waxay caddeyn u tahay in xukuumadda Muqdisho ay isku dayayso in macdanta ay garab-dhigto shidaalka iyo gaaska, kana dhigto xudunta diblomaasiyadda dhaqaale ee ay la leedahay dowladda Mareykanka. The post DF oo heshiis la gashay gobol ka tirsan Mareykanka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites