Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000144868.jpg

Kulan saddex geesood ah oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa ka dhacay magaalada Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, kulanka waxaa looga hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi wadajirka ah oo ay yeeshaan saddexda dal.

Sidoo kale madaxda saddexda dalka ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga, isu-socodka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo horumarka dalalka gobolka.

Kulankan waxa uu ku soo aadayaa, xilli ay Itoobiya si weyn u raadinayso marin badeed ay ka hesho Gacanka Cadmeed.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this