Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo kulan nabadayn ah u qabatay beelo ku dagaalamay Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
1000145143-1440x960.jpg

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan lagu horumarinayo wadahadallada xal u helidda colaadda deegaanka Roox ee gobolka Mudug.

‎Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen isimada gobolka Mudug oo ah marjaca iyo hoggaanka geeddi-socodka nabadaynta ayaa labada dhinac ku soo gudbiyeen min 17 xubnood oo matalaya beelahooda.

‎Intii uu socday kulanka maanta, waxaa la dhisay guddi dhexdhexaadin ah oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo fududeynta wada-xaajoodyada.

Guddigan waxaa soo gudbiyey isimada gobolka Mudug, waxaana si rasmi ah u aqbalay labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo, iyadoo la rajeynayo in tallaabadani ay dedejin doonto xal waara oo laga gaaro colaadda ka taagan deegaanka Roox.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this