Deeq A. Posted 3 hours ago Golaha wasiirrada Puntland oo maanta yeeshay shirkoodii todobaad laha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin saameynta dagaalka Bariga Dhexe uu ku yeelan karo maciishada deegaannada Puntland. Shirka oo guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa sidoo kale looga hadlay dhameystirka dagaalka Calmiskaad, iyada oo wasiirka amniga Xaaji Bakiin uu warbixin dagaalkaas ku saabsan la wadaagay Golaha. Shirka waxaa kaloo looga hadlay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday gobolka Mudug iyo sidii xal loogu heli lahaa arrintaas. Wasaaradda deegaanka ayaa Golaha la wadaagtay baahinta sharciga deegaanka Puntland, kaas oo la sheegay in uu qayb weyn ka qaadanayo isku dhacyada ka dhasha isku qabsiga deegaanka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites