Sign in to follow this  
Deeq A.

Dunida oo maanta laga xusayo 8-da Maarso oo ah maalinta Haweenka Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenka Adduunka iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa maanta oo ku beegan 8-da Maarso u dabaaldegaya Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, taas oo sanad walba laga xuso dalal badan oo caalamka ah.

Munaasabado lagu xusayo maalintan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalka, iyadoo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee haweenka.

Mas’uuliyiinta ka hadlada ka jeediya munaasabadahan ayaa si joogto ah u bogaadiya kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dowlad-dhiska, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka.

Waxay sidoo kale maalintan oo kale lagu baaqaa in la xoojiyo taageerada iyo fursadaha la siiyo haweenka si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo hoggaanka bulshada.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamaa laf-dhabarta bulshada, maadaama ay door weyn ku leeyihiin horumarinta qoyska, dhaqaalaha iyo bulshada guud ahaan.

Maalinta 8-da Maarso ayaa caalamka looga dabaaldegaa si loo muujiyo kaalinta haweenka, loona dhiirrigeliyo sinnaanta jinsiga iyo xuquuqda haweenka, waxaana si rasmi ah loo asteeyay sanadkii 1977, markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in dalalka adduunka ay si rasmi ah u xusaan maalintan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this