Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo $2 Milyan iyo Gargaar Raashin ah ugu Deeqay Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu Saameeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $2 Milyan iyo gargaar raashin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada gurmadka abaaraha iyo ka hortagga musiibooyinka, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta bulshada.

​Deeqdan lacageed iyo raashinka isugu jirta ayaa lagu caawin doonaa dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo ay si ba’an u saameeyeen abaaruhu, iyadoo culayska la saari doono 45 degmo oo hadda ku sugan xaalad degdeg ah.

Taageeradan ayaa door muhiim ah ka ciyaari doonta badbaadinta nolosha qoysaska nugul, gaar ahaan carruurta iyo haweenka ku tabaalaysan deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this