Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Jamhuuriyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qalinka ku duugay saxiixa Dastuurka cusub ee dalka, kaas oo ay horay u meel mariyeen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

​Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, kuwaas oo markhaati ka ahaa tallaabadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo dowladnimada dalka.

Dhammaan warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ayaa looga yeeray madaxtooyada si ay goobjoog uga noqdaan guushan weyn, iyadoo ujeedadu tahay in caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba lala socodsiiyo in dalku uu hadda leeyahay Dastuur rasmi ah, laguna guulaystay in meesha laga saaro caqabadihii muddada dheer hortaagnaa dhamaystirka sharciga ugu sarreeya dalka.

​Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul u soo hoyatay dhammaan umadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in maanta laga bilaabo dalku uu galay bog cusub oo horseedi doona xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhinac kasta leh.

Saxiixa maanta ayaa soo afjaray muddo ka badan toban sano oo dalku ku shaqaynayay dastuur kumeel gaar ah, taas oo ka dhigan in Soomaaliya ay hadda si buuxda ula wareegtay masiirkeeda sharci iyo midka dastuuriba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this