Sign in to follow this  
Deeq A.

MILCISI: TAARIIKHDA MAALINTA CAALAMIGA AH EE HAWEENKA ADDUUNKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Sannad kasta 8da bisha Maarso waxaa adduunka looga dabbaaldegaa maalin caalami ah ee lagu weynaynayo ama lagu xusayo haweenka ku nool adduunweynaha. Inta aan maalintan loo astayn, ka hor ma jirin maalin gaar ah oo la xuso waxtarka dumarka. Dumarku waxa ay ku jireen xaalado ay waxyaabaha qaar kaqeybgalkooda fursad u heli jirin sida in ay helaan waxbarasho, in ay shaqaystaan oo ay qaataan mushaar shaqadooda u qalma iyo in ay helaan xuquuqdooda muwaadinnimo, hadday noqon lahayd in ay siyaasadda ka qeyb qaataan ama in ay codkooda muwaadinnimo dhiibtaan. Dhibaatooyinkaas jiray awgeed ayaa qaar ka mid ah dumarka ayaa waxa ay iskudayeen in ay ka soo horjeestaan arrimaha noocaan ah oo ay kor u hadlaan, soona bandhigaan in ay ku qanacsanayn dhibaatooyinka ay ku jiraan.

Sannadkii 1908dii ayaa si fiican waxaa u soo shaacbaxay dumar ka bannaanbaxaya dhibaatooyinka haysta iyaga oo si abaabulan u sameeyay bannaanbaxa, dumarkaasi waxaa lagu qiyaasaa in ay ahaayeen 15,000 kun oo haween ah, isku imaatinkaasi waxa ay ku sameyeen magaalada New York. Ka dib markii la maqlay codka haweenka ku nool magaaladdaasi ayaa waxaa arintaasi ka hadlay xisbiga Hantiwadaagga Ameerika, sannadkii 1909kii  kaas oo ku dhawaaqay in la samaynayo maalin qaran oo lagu xusayo ama ay iskugu imaanayaan haweenka ku nool magaaladdaasi. Muddo kooban oo shirkaasi la agaasimayay ka dib 28dii Febraayo 1909kii ayuu si rasmi ah u dhacay shirka qaran ee haweenka iskugu imaanayeen. Intii lagu gudo jiray kulankaasi ayaa gabar ka mid ah haweenka ka soo qeybgalay waxa ay soojeedisay aragti ah in la sameeyo maalin dumarka ugaar ah oo sanad kasta la xusayo ama la iskugu imaanayo si loola socdo xaaladaha ay ku jiraan iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira isbeddel muuqdana loo samayn lahaa.

Iyadoo laga duulayo natiijadii ka soo baxday shirkii hore u dhacay ayaa waxaa la isla qaatay in la sameeyo maalin gaar ah oo loo dabbaaldegayo ama la xusayo haweenka. 19kii Maarso 1911dii ayaa waxaa la sameeyay xuskii Maalinta Haweenka Adduunka, wuxuuna ka dhacay dalal badan ay kamid yihiin Austria, Denmark, Germany iyo Switzerland, dalalkaas oo ay isugu soo bexeen dad ka badan hal malyuun qof oo rag iyo dumarisugu jiray oo dalbaday in dumarku ragga kala sinaando xagga shaqada, tababarrada iyo in la joojiyo kalasoocidda dhanka shaqada ee ragga iyo dumarka.

Si loo mideeyo dalalka oo dhan maalinta xuska haweenka adduunka waxaa la isla gartay in laga dhigo 8da bisha Maarso ee sannad kasta. Waxay maalintaasi noqotay maalin loo wada aqoonsaday maalinta haweenka adduunka. Hay’adaha aqoonsigaas si rasmi ah u hirgaliyay waxaa ka mid ah Qaramada Midoobay (UN).

Dumarka Soomaaliyeed iyo 8da Maarso:


Haweenka Soomaaliyeed waxa ay uga dhigantahay maalin weyn oo ubaahan in la maamuuso heerka ay maanta joogaan dumarka Soomaaliyeed. Runtii waxaa jiray xilli ay wacyiga dadka Soomaaliyeed uusan ahayn sida uu hadda yahay. Dumarku waxaa inta badan caqabad looga dhigi jiray dhaqanka iyo waxyaabaha ay aaminsanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu intiisa badan ku dhisanyahay diinta, markii loo fiiriyo waxyaabaha qaar dumarka quseeyo oo dhaqanka ku jira ma ahayn amabama ahan wax sal iyo raad ku leh diinta. Tusaale haddaan u soo qaadanno, in ay gabadha wax barato ma jirto meel ay diintu ku diidday, laakiin dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uu ahaa mid aan dumarka u oggolayn waxbarashada. Wiilasha iyo gabdhaha dhanka wax barahsada waa lagu kala sooci jiray oo wiilka ayaa waxbarashada loo diri jiray, halka ay gabadhu alaabta u dhaqi jirtay ama cuntada u diyaarin jirtay wiilka ku maqan waxbarashada ama shaqada. Waxaa aad u yaraa tirada gabdho ee waxbarashada aadda, waalidka wacyigiisu fiicanyahay oo gabadhiisa waxbarashada aaddo waxaa lagu dhaleecayn jiray in uu gabar waxbarasho u diro. 

Waqtigan la joogo wacyiga iyo aqoonta waalidiinta oo sare maray awgeeda waxaa isbaadel ku dhacyay dhaqankii ahaa gabdhuhu waxbarasho ma aadi karaan. Hadda markaan fiirinno dugsiyada iyo jaamacadaha waxaan aragnaa gabdho badan oo wax ku baranayo, waxaan kaloo aragnaa gabdha oo kaalmaha hore ka galay imtixaanaadka qaranka ee iskuulaadka. Waxaa bogaadin mudan waalidka ku baraarugay in ay wacyigooda ka saramariyaan aragtidii gurracanayd ee “dhoodhoobka dhaqan” ku salaysanayd.

Xilligan la joogo gabdhaha waxa ay marayaan heer ay waxbaran karaan, shaqaysan karaan kana qeybgali karaan arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxa ay tegayaan goobaha aqoon isweydaarsi ka dhacayo, waxay, sidoo kale, joogaan madalaha waaweyn ee aqoonta iyo horumarka looga hadlaayo iyaga oo hoggaanka madalahaasi iyo agaasinkooda qayb weyn ka yihiin dumarka. Waxa ay si cad u dhiibanayaan aragtiyadooda ku aaddan wax kasta oo horumar ah ama dalka quseeaya. Waxa ay sidoo kale joogaan xafiisyada waaweyn ee laga shaqeeyo, goobaha waxbarashada macallimiin iyo hoggaamiyayaal ayay ka yihiin, ganacsiyo badan oo kala nooc ah ayay aragtidooda ama waxsoosaarkooda leeyihiin. Intaas waxa ay dumarka Soomaaliyeed utahay fursad ay ku baddeli karaan ama ay ku beddeleen naftooda iyo dalkooda.

Gabadha Soomaaliyeed waxa ay isla wada haysaa shaqooyin badan oo ay dhabarka u dhigatay, laga soo bilaabo marka ay yar tahay ee iyadoo wax baranayso ay haddana shaqada guriga qabanayso. Waxaa kaloo u xigta in ay hooyo tahay oo inta bannaankana ka soo shaqayso, misana gudata masuuliyaddii guriga, noloshii kalana la daalaadhacaysa. Taasi waxa ay noo muujinaysaa kartida ay leeyihiin dumarka Soomaaliyeed, waxayna u qalmaan in aan maalin gaar ah oo kaliya aan la xusin ee maalin kasta la xusuusnaado qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin, wanaaggooda iyo waajibaadka culus ee ay hayaan, isla markaasna lagu garab-istaago.

Gabdhaha Soomaaliyeed waxaa iyagana la gudboon in ay dadaalkooda hore u sii wadaan oo ay fursaddooda ka faa’iidaystaan, aysan isku mashquulin waxyaabihii hore u dhacay. In ay hore ugu socdaan oo ay maalin kasta iska dhigin dad dhibannayaal ah oo tartan ku jira. Run ahaantii fursado badan oo aan hore u jirin ayaa jira wixii hore u dhacay waa laga soo gudbay oo wacyigii dadka wuu kordhay; meeshii shalayna maanta lama, khaladkii shalay dhacay looma laabtee horaa looga socdaa.

Ugu danbayn, maalintan weyn waa maalin ay dumarka adduunka ay gaar u tahay, waa maalin laga hadlayo ama laga shaqaynayo horumar, waxbarasho iyo sidii loo noqon lahaa dad leh waxsoosaar fiican, waxna ka beddeli kara dhibaatooyinka taagan xalna loo keeni kara. Waxa ay maalintani ka dhigan tahay fursad iyo horusocod ay dumarku gaar la yihiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this