Deeq A. Posted yesterday at 04:17 PM WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)Macallin iyo Suugaanyahan Ama dhaafso walaxAma dheefso shilin! Xildhibaankii shalay qalinduurka lagu soo qoray ma run baa inuu ii doodayo mise ninkii shalay soo dhacay ayuu la dudsanyahay? Ogaalka dadweynuhu ma yahay mid la jaanqaadi kara dastuurka iyo waayaha geeddisocodkiisa? Dastuurku ma yahay mid u qareemaya hooyada bariiska dhacay laga iibinayo har iyo habeen? Ma yahay mid dabraya ganacsatada daawada dhacday dadka ku daldalaysa? Ma yahay mid xaqiisa siinaya muwaaddiinka ku haftay beenta iyo goraya-khaakhlaynta siyaasiga maran? Mayahay mid xakamaynaya afkuxooglaha dadka ku gumaadaya fadwada waallidaha iyo sicirbararka ku dhacay fahanka diinta? Mise waa mid weli mareeg iyo qool ugu xidhan madaxyaweynta isu taqaan waxa loogu yeedho “Saamileyda Siyaasadda”? Midnimada, gobannimada qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ma yahay, dastuurku, mid xididdada u adkaynaya? Inta dhimirka wacanDhoobadooda jecelAma dhoof ku maqanTaar maw dhigteen? Inta dhaadka xidhanDhakhaatiirta tubanAma dheeg u yaalBuul maw dhisteen? Inta dhaawaca ahDhabar xoodanooDhudhumadu go’eenDhuub mow jarteen? Inta dhego la’ iyoInta dhaayo xidhanQaraxyadu dhileenDhaymo mawgu taal? Dastuurku waa sharciga ugu sarreeya ee dalka hagaya, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa dhismaha dawladnimo, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo sugidda xasilloonida bulshada. Sidaas darteed, fahamka iyo qiimaynta dastuurku waa arrin muhiim u ah bulsho kasta oo doonaysa horumar, caddaalad, iyo nabad waarta. Arrintani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay bulshada Soomaaliyeed oo muddo dheer la tacaalaysay burbur dawladeed, qaranjab, jidba-kooxeed iyo argaggaxiso, colaado sokeeye, iyo jahawareer siyaasadeed. Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee nidaamiya dawladnimada, isla markaana dejinaya mabaadi’da, xeerarka, iyo qiyamka hagaya wadanoolaanshaha bulshada iyo habsami-u-socodka hay’adaha dawladeed. Wuxuu si cad u qeexaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta, isagoo dammaanad qaadaya xorriyadaha aasaasiga ah sida caddaaladda, sinnaanta, iyo ilaalinta karaamada aadanaha. Sidoo kale, dastuurku wuxuu taabanayaa arrimo bulsheed oo muhiim ah, sida xoojinta wadanoolaanshaha bulshada, dhowrista dhaqanka iyo hiddaha, iyo daryeelka qeybaha nugul ee bulshada. Intaas waxaa dheer, dastuurku wuxuu qeexaa qaabdhismeedka dawladnimo, nooca nidaamka maamul ee dalka, iyo sida ay u shaqaynayaan hay’adaha kala duwan ee dawladda. Wuxuu si nidaamsan u kala saaraa awoodaha dawladeed isaga oo qeexaya saddexda tiir ee dawladnimada: fulinta, sharcidejinta, iyo garsoorka. Kalasoocidda awoodahani waa mid lagamamaarmaan u ah dhismaha nidaam dawladeed oo dheellitiran, kaas oo kahortagga ku-takrifalka awoodda, isla markaasna xoojiya islaxisaabtanka, hufnaanta, iyo kudhaqanka sharciga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta su’aal muhiim ah oo u baahan in laga fiirsado: intee in le’eg ayay bulshada Soomaaliyeed fahamsan tahay macnaha iyo doorka dhabta ah ee dastuurka? Inkastoo magaca dastuurka si guud loo maqlo, haddana fahanka qotada dheer ee ku saabsan muhiimaddiisa iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha bulshada mararka qaar waa mid xaddidan. Haddaba, maansadani waxay, sidoo kale, tilmaamaysaa marxaladaha adag ee ay dalka iyo dadkuba soo mareen: burbur dawladeed, dhaawac bulsho, qax, dhimasho, iyo kaladaadsanaan bulsho. Marka laga duulo xaaladahaas, waxaa muhiim ah in la isweydiiyo in nidaamyada iyo xeerarka la soo bandhigayo ay dhab ahaantii xal u yihiin dhibaatooyinkaas, mise ay yihiin arrimo ku salaysan dano gaar ah oo aan si dhab ah u taabanayn baahiyaha shacabka. Sidaas awgeed, fahanka iyo hirgelinta dastuur caddaalad ku dhisan, si hufan loo diyaariyey, loona fahmay si ballaaran, waa saldhigga lagamamaarmaanka u ah dhismaha dawladnimo sugan, nabad waarta, iyo horumar bulsho oo joogto ah. Bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan muhiimadda dastuurka, si ay si firfircoon uga qeybqaataan dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, wadajir, iyo dawladnimo adag. Dhakal gorofsan iyoDhiil maran dadkaniDhosoq miid leh iyoDhadhan kuma qabeeMariid iyo dhunkaalDhashu kuma korteeWaxay noo dhigeenDhufays lama galeeMa duruus dhabaa? Inta dhimirka wacanDhoobadooda jecelAma dhoof ku maqanTaar maw dhigteen? Inta dhaad ka xidhanDhakhaatiirta tubanAma dheeg u yaalBuul maw dhisteen? Inta dhaawaca ahDhabar xoodanooDhudhumadu go’eenDhuub maw jarteen? Inta dhego la’ iyoInta dhaayo xidhanQaraxyadu dhileenDhaymo mawgu taal? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhimaya baaRasaastii dhacdiyoDhashiikii hugmiyoDhibkay nagu faleen? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhaadayaaDhafoor-taagistiyoDhoobbirkii kibriyoDhababacadi baas? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhicinayaaMaguurtadii dhuntiyoWixii dhacarsadiyoDahabkii la dhacay? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhaafayaaWaxa dhooban iyoDhaleecada jirtiyoCeebtii la dhigay? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhowrayaaAma dhimaya baaDhugtankii dabkiyoDhiiggii qulqulay? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhaahayaaAma dheehin baaHidde dhowriddiyoDhaqankii la rogay? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhuganayaaGuxushaa dhiciyoDhaxdin weyda iyoDhabeeshii la hugay? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMi mid dheegayaaDhaxan goynayaaaHooyada dhashiyoDhallaankii la waray? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhaharin baaAma dhacarin baaDhamaskii gubtiyoDhirtii qaawanayd? Ama dhaafso walaxAma dheefso shilinMa mid dhaabayaaDhigo iyo udbiyoQarankii dhaciyoDhisme dawladnimo? DhogorbahallayhowAma dhaafso walaxAma dheefso shilinDhalool iyo JadiidWay kula dhacaanKula dheelliyaanKugu dhimatay iyoKaa dhimatay bayDhooddida sariyoDhuuxyadu ku oran!Hadal dhaabad iyoDhalan waa u xeerTaas waxa ka dhiganSharci dheelli galayWaa damal dhiciyoDhinbil hoobatayeBulshadaada dhugoDhaayaha ku hayJiifaa dhabbacanIyo dhidarka ba’anDhirif lama rabeeHa ka dhigan cilmiga. Gunaanad Xeer waa xakame ayaa horay loo yidhi, taasina waxay caddayn u tahay sooyaalka suubban ee Soomaalidu ku suntantahay iyo waayaheeda hoggaamineed. Ugu danbayntii, qormadan koobani waa mid iftiiminaysaa ama bidhaamminaysa weydiin culus oo ku saabsan caddaaladda, dawladnimada, iyo doorka dastuurku ku leeyahay badbaadinta bulshada. Waxay si qotadheer u muujinaysaa dhaawacyada muuqda iyo kuwa qarsoon ee ka dhashay burburka dawladeed, colaadihii faraha ka baxay, iyo maamulxumadii ku baahday geyiga Soomaaliyeed. Dhammaystirka dastuurku waxa uu astaan iyo summad u yahay inaan maanta ka baxnay gardaadintii muddada dheer lagu hagaasay, marna waa oog kuu ifinaya tubaha rejada iyo shamac ka dhex kaahaya galalka tagtada, timaaddo tisqaadi doonta iyo taaganta toolmoon. Sidoo kale, waxa mudan in lagu baraaruggu qiimaha iyo kaalinta dastuurku u leeyahay hanaqaadnimada dawladnimada iyo hufnaanta hay’adaha qaranka. Haddii dastuurku noqdo mid aan taaban nolosha dhabta ah ee muwaadiniinta, mid aan difaacin xaqa dulmanaha, aan xakamayn dulmiga, isla markaasna aan ilaalin hantida iyo karaamada bulshada, markaas wuxuu noqonayaa qoraal aan naf lahayn oo ku kooban warqado iyo hadallo siyaasadeed. Laakiin haddii uu noqdo mid caddaalad ku dhisan, si hufan loo fahmay, loona hirgeliyo, wuxuu noqon karaa tiirka ugu weyn ee dibudhiska qaran, soocelinta kalsoonida bulshada, iyo xaqiijinta nabad iyo horumar waara. Sidaas darteed, bulshada Soomaaliyeed waxaa saaran waajib ah in ay si qotadheer u fahmaan, u dhuuxaan, u lafaguraan, u faaqidaan dastuurka, una arkaan heshiis qaran oo ka sarreeya dano gaar ah. Wacyiga, islaxisaabtanka, iyo ka-qeybgalka dadweynaha ayaa ah furayaasha xaqiijin kara in dastuurku noqdo mid dhab ahaan u adeega shacabka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites