Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya: Haweenka safka hore kaga jiray dagaalkii sokeeye ee ugu dambeeyay haddana aan dooneyn inuu mid kale dhaco

Recommended Posts

Deeq A.   

mid ah sanadihii ugu wanaagsan nolosheeda oo ku lumay dagaal – mana dooneyso in ay mar kale aragto khilaaf ka dhaca gobolka Tigray ee waqooyi ee Ethiopia, kaas oo qaar ka mid ah dadku ay ka baqayaan in uu billaaban karo.

Sannadkii 2020, waxay u taagnayd furinta hore ee dagaalka iyada oo ahayd askari Tigray ah si ay uga qeyb qaadato dagaalka sokeeye ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka, waxayna weli ku jirtaa xaalad nafsiyan ah oo aad u daran inkasta oo laga joogo ka badan saddex sano kaddib dhammaadka dagaalkii naxdinta lahaa.

“Wax walba waan waayey,” ayay ku sheegtay BBC Tigrinya.

Ka hor dagaalka, Abeba waxay ahayd xiddig kubadda cagta ciyaarta oo soo baxaysa. Tan iyo markii ay toddoba jir ahayd ayay ciyaari jirtay, ugu dambeyntiina waxay noqotay weeraryahan u ciyaara kooxda 70 Enderta ee haweenka markii ay ahayd 17 sano jir.

Abeba waxay sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay weli xambaarsan yihiin dhaawacyadii dagaalkii dheeraa ee naxariis darrada ahaa ee dhammaaday 1991-kii, markii TPLF ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii markaas ka talinayay Itoobiya, Mengistu Haile Mariam.

Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa dib u qarxay 2020, iyadoo Eritrea, oo deris la ah Tigray, ay gashay dagaalka dhinaca ciidamada federaalka.

Dagaalku wuxuu dhammaaday laba sano kaddib, markii ay la gaadhayheshiis nabadeed oo ay dhexdhexaadiyeen Midowga Afrika. Wakiilka ururka, Olusegun Obasanjo, oo ahaa madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa tirada dadka ku dhintay dagaalka ku qiyaasay ku dhawaad 600,000 qof.

Abeba, in goob dagaal looga yeedho hubka ma ahayn kaliya doorasho: wuxuu ahaa dhaxal waajib ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this