Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Iran ayaa sheegay in ay gantaal la heleen saldhigga Mareykanka ee Baxreyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Iran ayaa sheegay in ay gantaal la heleen saldhigga Mareykanka ee Baxreyn

Ilaalada Kacaanka Islaamiga Iran ayaa sheegay in ay “duqeeyeen” saldhigga ciidamada Mareykanka ee Baxreyn iyagoo si sax ah gantaal ugu dhuuftay bartilmaameedkay doonayeen.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka IRG waxay sheegeen in ay taasi kaga jawaabayeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Mareykanka uu duqeeyay warshad biyaha sifeysa oo ku taal jasiirad marinka Hormuz.

“Iyadoo laga jawaabayo gardarada argagixisada Mareykanka ee saldhigga Juffair ay ku soo qaadeen warshada biyaha nadiifisa ee Qeshm, ayaa si degdeg ah ciidamada IRGC u duqeeyeen”, sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay IRGC oo laga sii daayay wakaaladda wararka Farsna ee dowladda taageersan.

Dhinaca kale dhawaqa digniinta ayaa laga daaray Baxreyn sida ay sheegtay wasaaradad arrimaha gudaha oo u sheegtay muwaadiniinta iyo dadka kale ee deggan in ay aadaan meelaha ammaanka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Baxreyn waxay sidoo kale soo dhigtay barta X “dab iyo qalab waxyeelo soo gaadhay” meelo ku hareereysan caasimada Manama. Waxay sheegeen in dabka la daminayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this