Deeq A. Posted 7 hours ago Washington (Caasimada Online) — Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay in maalintii Jimcaha dambi lagu helay nin u dhashay dalka Pakistan, kaas oo laba sano ka hor qorsheynayay inuu khaarajiyo Madaxweyne Donald Trump iyo siyaasiyiin kale oo caan ka ah Mareykanka, isagoo fulinayay amar uga yimid dowladda Iiraan. Asif Merchant ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu gudaha Mareykanka ka qoro dad fuliya qorshahan oo bartilmaameedsanayay Trump iyo mas’uuliyiin kale, taas oo ahayd aargoosi ka dhan ah dilkii ay Washington sanadkii 2020-kii ugu geysatay magaalada Baqdaad taliyihii sare ee milateriga Iiraan, Qaasim Suleymaani, xilligaas oo uu Trump ku jiray muddo-xileedkiisii koowaad. Sida ay xaqiijiyeen dacwad-oogayaasha federaalka, bartilmaameedyada qorshahan ee sanadkii 2024-kii waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxweynihii xilligaas xafiiska joogay ee Joe Biden iyo Nikki Haley, oo sanadkaas Trump kula tartantay magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtooyada. Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Waaxda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in Asif lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin “isku-day dil oo lacag lagu bixinayo iyo abaabulka falal argagixiso oo ka gudbaya xuduudaha caalamiga ah,” kuwaas oo ay si toos ah u hagayeen hay’adaha dowladda Iiraan. Dhageysiga maxkamadeynta ninkan oo ka dhacday degmada Brooklyn ee magaalada New York ayaa bilaabatay toddobaadkii hore, maalmo un ka hor intii uusan Madaxweyne Trump amrin duulaanka baaxadda leh ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, kaas oo haatan isku beddelay dagaalkii ugu weynaa ee gobolka soo mara muddo sanado ah. Qirashada eedeysanaha iyo fashilinta qorshaha Intii ay socotay maxkamadeynta, Asif wuxuu qirtay inuu ku biiray qorshe ay soo maleegeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), balse wuxuu ku dooday inuu falkaas u sameeyay si qasab ah, si uu u badbaadiyo qoyskiisa oo ku sugan caasimadda Tehran. Wuxuu intaas ku daray in aan marnaba la siin amar toos ah oo ku aaddan khaarajinta shakhsi gaar ah, balse sarkaalkii Iiraaniga ahaa ee hagayay uu magacaabay saddexdaas mas’uul intii ay ku guda jireen wadahadallo ay ku yeesheen magaalada Tehran. Laamaha amniga ee Mareykanka ayaa fashiliyay qorshahan ka hor inta aan la fulin wax weerar ah. Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladdu, shakhsi uu Merchant la xiriiray bishii Abriil ee sanadkii 2024 si uu uga caawiyo shirqoolka ayaa laamaha amniga ku wargeliyay dhaqdhaqaaqiisa, wuxuuna isku beddelay xog-bixiye qarsoodi ah oo la shaqeeya dowladda. Asif ayaa sanadkaas la xiray, isagoo markii hore maxkamadda horteeda ka qirtay inuusan wax dambi ah gelin. Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa door udub-dhexaad ah ku leh Iiraan, iyagoo isku darsaday awood milateri, mid dhaqaale, iyo shabakad sirdoon oo baaxad leh. Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda si adag u beenisay eedeymaha sheegaya inay bartilmaameedsatay Trump ama mas’uuliyiin kale oo Mareykan ah. Dhanka kale, weerarada is-daba-joogga ah ee ay Mareykanka iyo Israa’iil qaadayeen tan iyo maalintii Sabtida ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 1,332 qof oo shacab Iiraaniyiin ah, iyadoo kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay. Dagaalkan ayaa sidoo kale lagu dilay hoggaamiyeyaal sare oo Iiraaniyiin ah, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii ugu sarreeyay dalkaas, Aayatulaahi Cali Khamenei. Dhinaca Mareykanka, taliska milateriga ayaa shaaciyay in lix ka mid ah ciidamadooda lagu dilay duqeyn lala beegsaday saldhig ku yaalla dalka Kuweyt, halka diiwaanka Israa’iil uu muujinayo in ugu yaraan 10 qof oo rayid ah lagu dilay gudaha dalkaas tan iyo markii ay colaaddu qaraxday. The post Nin Pakistani ah oo isku dayey inuu dilo Donald Trump oo… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites