Sign in to follow this  
Deeq A.

Bin Zayed oo markii ugu horreysay soo hadlay xilli uu weerar culus ku socdo dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Mohamed-Bin-Zayed.jpg?fit=2331%2C1635&ss

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan, ayaa Sabtida si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu ku jiro “xaalad dagaal”, isagoo wacad ku maray in xukuumadda Abu Dhabi ay dhibaatadan kasoo bixi doonto iyadoo ka xooggan sidii hore.

Hadal uu jeediyay madaxweynaha oo ay baahisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Imaaraadka (WAM) xilli uu booqanayay dadkii ku dhaawacmay weeraradii ay Iiraan ku qaadday dalkaas, ayuu ku sheegay in daryeelka dadka dhaawacmay uu yahay “mas’uuliyad saaran garbaha dowladda.”

Sheekh Maxamed bin Saayid ayaa xusay inuu isbitaalka ku booqday shan qof oo rayid ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen duqeymaha, kuwaas oo kala ah labo muwaadin oo u dhashay Imaaraadka, hal qof oo Hindi ah, hal Suudaani ah, iyo hal qof oo Iiraani ah. Isagoo shacabka u xaqiijinaya xaaladda guud, wuxuu yiri: “Imaaraadka xaaladdiisu waa ay wanaagsan tahay.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee dalkaas doorka muhiimka ah ee ay cayaarayaan “xilligan lagu jiro dagaalka,” wuxuuna si weyn u ammaanay hay’adaha amniga oo uu ku tilmaamay inay dalka u hayaan “adeeg sharaf iyo qaddarin mudan.”

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay ajaanibta u soo shaqo-tagtay ee ku dhaqan Imaaraadka, isagoo yiri: “Waxaan ku jirnaa xilli dagaal, waxaana u ballanqaadayaa inaan gudan doonno waajibkeenna. Xaaladdan waa mid nala soo darsay oo nagula qasbay, waxaana u hawlgalaynaa inaan is-difaacno, isla markaana aan badbaadinno qoysaskeenna iyo dalkeenna.”

Isagoo farriin kulul u diraya cidda uu ku sifeeyay cadowga Imaaraadka, ayuu yiri: “Imaaraadku waa dal soo-jiidasho leh, qurux badan, tusaalena u ah caalamka, balse yuusan qofna is-khiyaanin. Imaaraadku wuxuu leeyahay harag adag iyo hilib qaraar — suurtagal ma ahan in si fudud naloogu liqo,” isagoo mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ah in dalku uu dagaalkan kasoo bixi doono isagoo ka awood badan sidii hore.

28-kii bishii Febraayo, xukuumadda Iiraan ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ku garaacday Israa’iil iyo waddamada Khaliijka ee martigeliya saldhigyada iyo hantida milateri ee Mareykanka. Qaar ka mid ah weeraradan ayaa sababay khasaare nafeed iyo burbur xooggan oo soo gaaray xarumaha rayidka ah, oo ay ku jiraan dekedo iyo dhismayaal la-dego.

Xukuumadda Tehran ayaa ku doodeysa in weeraradani ay yihiin aargoosi toos ah oo ka dhan ah olole milateri oo ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, kaas oo gudaha Iiraan ku dilay boqolaal qof, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iiraan, Aayatulaahi Cali Khamenei, iyo saraakiil sarsare oo dhanka milateriga ah.

Horraantii Sabtida, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa fagaaraha ka ballanqaaday in Iiraan ay joojin doonto beegsiga ay ku hayso waddamada deriska ah, balse wuxuu shardi uga dhigay in aan dalalkaas dhulkooda laga soo qaadin wax weeraro ah oo ka dhan ah Iiraan.

The post Bin Zayed oo markii ugu horreysay soo hadlay xilli uu weerar culus ku socdo dalkiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this