Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000142775.webp

Weerarada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii lixaad oo xiriir ah, iyada oo ay saamayn ku yeesheen suuqyada caalamka.

Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay weerar ku qaaday gantaalaha balistikada ee yaalla magaalada Qom ee Iiraan, sidoo kale waxaa mar kale qaraxyo ka dhaceen caasimadda Teheran.

Sidoo kale Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale Iiraan waxay xalay gantaallo ku garaacday Israa’iil, waxaana qaraxyo laga maqlay magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Quddus.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in rabshadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe ay sababeen barakac ballaaran.

Ilaaa 100,000 qof ayaa ka qaxay magaalada Tehran labadii maalmood ee ugu horreeyay, kaddib weerarka Maraykanka iyo Israa’iil.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this