Deeq A. Posted 12 hours ago Doon u rarnayd ganacsato reer Puntland ah ayaa maanta ku gubatay bannaanka dekedda magaalada Boosaaso, taas oo aan helin gurmad. Doonta oo lagu magacaabo Mahbub Muxuyadiin 1421 waxay siday badeecooyin ganacsi oo kala duwan, iyada oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Dekedda Boosaaso oo ay muddo 10 sano ah maamulayso shirkad Imaaraad ah ayaa la ahayn adeega dab-damiska gaadiidka badda, waxaana marar badan ku gubtay doonyo ganacsi. Puntland oo ka hadashay gubashada doonta ayaa tacsi keliya u dirtay ganacsatada khasaaruhu ka soo gaaray dhibkan soo noqnoqday. Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu yiri “waxaan tacsi la wadaagaynaa ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada reer Puntland, ee uu khasaaruhu ka soo gaaray gubashada doonta Mahbub Muxuyadiin 1421 oo ku gubatay bannaanka Dekedda Boosaaso, taas oo siday badeecooyin ganacsi oo kala duwan”. “Wasaaradda maaliyaddu waxay ganacsatada iyo dhammaan dadkii ay khasaaruhu ka soo gaaray la wadaagaysaa tacsi iyo tiiraanyo una rajaynaysaa samir iyo adkaysi, waxayna Alle uga baryaysaa in uu khasaarahaas ugu beddelo khayr kana siiyo bedel wanaagsan” ayaa la raaciyay. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites